Muqdisho (Caasimada Online) – Howlgal si gaar ah loo qorsheeyay oo ka dhacay degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe ayaa lagu dilay labo horjooge oo sare oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.
Sida ay shaacisay hay’adda NISA, howl-galkan ayaa dhacay 10-kii December, waxaana lagu beegsaday Cabdullaahi Cismaan Maxamed, oo magaciisa afgarashadu ahaa Injineer Ismaaciil iyo Cabdikariin Maxamed Xersi (Qoorleex), kuwaas oo ahaa maskaxda hawl-gallada khatarta badan ee kooxda.
Howl-galkan ayaa waxaa si wadajir ah u fuliyay Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka (NISA) iyo saaxiibada caalamka.
Horjooge Injineer Ismaaciil waxa uu ka mid ahaa horjoogeyaasha ugu sarreeya uguna khatarta badan kooxda, isaga oo ahaa horjoogaha iyo maskaxda qaybaha qaraxyada, maleeshiyaadka ay ugu yeeraan Amniyaadka iyo qeybta Al-Kataib.
Injineer Ismaaciil oo ka mid ahaa horjoogeyaasha sida gaarka ah loogu doonista badnaa cadowga ayaa madaxii waxa uu saarnaa lacag dhan 5 milyan oo doollar.
Sidoo kale waxa uu door weyn ku lahaa abaabulka qaraxii 14-kii October iyo qaraxyo kale oo badan oo lagu beegsaday hantida iyo dhiigga shacabka Soomaaliyeed.
Dhanka kale, horjooge Cabdikarin Maxamed Xersi (Qoorleex), oo isna ka tirsanaa qeybta marin-habaabinta kooxda Al-Shabaab, ayaa si gaar ah u qaabilsanaa deegaannada Jubbooyinka.
Howl-galkan oo ahaa mid bartilmaameed ah oo si heer sare ah loo qorsheeyay ayaa u dhacay si guul ah, waxaana lagu soo afjaray halistii iyo dhibaatooyinkii ay horjoogeyaashan ku hayeen ummadda Soomaaliyeed, sida ay sheegtay hay’adda NISA.

