25.6 C
Mogadishu
Tuesday, June 24, 2025

Sidee loo arkaa go’aanka uu baarlamaanka ku diiday doorashada 8 Kursi

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ex Xildhibaan Ibraahim Saalax Deyfullaahi oo u waramaayay Idaacada GJ , ayaa arrin fool-xun ku sheegay in Xildhibaanada baarlamaanka Somalia ay diidaan go’aankii maxkamadda sare ee ku aadanaa in lagu laabto doorasho 8 kursi oo golahaasi kamid ah.

Waxa uu sheegay inaanu jirin cid si gaara u dooneysa in la carqaladeeyo nidaamka dalka, waxa uuna tilmaamay inaanu wanaagsaneyn ficilka ay ku dhaqaaqeen Xildhibaanada.

Ibraahim Saalax Deyfullaahi, waxa uu intaa raaciyay in maxkamadda sare ee dalka ay tahay mid u madaxbanaan shaqooyinkeeda balse aysan mudneyn in Xildhibaanada baarlamaanka ay faragaliyaan howlaha khuseeya Maxkamada.

Ibraahim Saalax Deyfullaahi, waxa uu sidoo kale sheegay in Maxkamada laga doonaayo inay qabato doorashada 8 kursi iyadoo aan dib loo eegeynin go’aanka baarlamaanka.

Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa shalay ansixiyay qaraar ka dhan ah g’aankii maxkamadda sare ee dalka ay gaartay May 16, 2017-ka kaas oo ahaa in lagu celiyo doorashada 8 kursi oo lagu muran sanaa.

Sidoo kale, warqad kasoo baxday Maxkamadda Sare ayaa lagu amray Hay’addaha fulinta inay fuliyaan amarkii Maxkamadda Sare , baarlamaankana aysan khuseyn ku laabashadda doorashada 8 Xildhibaan.

Dhinaca kale, go’aanka Maxkamada Sare ayaa u muuqanaaya mid hirgali doona waa haddii uu mowqifku ahaado mid halkiisa sii taagan.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News