28.3 C
Mogadishu
Tuesday, November 25, 2025

Sidee loo khaarajiyay horjooge sare Axmed Cumar Gacal?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa shaacisay in la dilay Axmed Sheekh Cumar Cadow Gacal oo ahaa horjooge sare oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Ninkan oo ahaa horjoogaha jabhadaha Al-Shabaab ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kana mid ahaa maleegayaasha weerarrada lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed ayaa xalay lagu dilay howl-gal qorsheysan.

Howl-galkan ayay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ay ka fuliyeen deegaanka Cali Heele, oo 30 km u jira galbeedka magaalada Masagawaay ee gobolka Galgaduud.

Howl-galka oo loo diyaariyay loona fuliyay si qorshaysan ayaa waxaa lagu khaarijiyay Axmed Gacal, kaas oo door muhiim ah ku lahaa isku-duwidda dhaq-dhaqaaqyada maleeshiyaadka Shabaab.

Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in horjoogahan uu hormuud ka ahaa abaabulka qaraxyada iyo weerarrada ay kooxda Al-Shabaab ka fuliso gobollada Shabeellaha Dhexe, Hiiraan iyo Galgaduud.

Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa ugu dambeyntiina bogaadiyay dadaallada joogtada ah ee ciidanka xoogga iyo kuwa Macaawisleyda ee lagu ciribtirayo haraadiga kooxaha argagixisada.

Waxay mar kalena caddeeyeen inay sii socon doonaan howl-gallada lagula dagaallamayo Khawaarijta illaa CXD ay xaqiijiyaan in shacabka Soomaaliyeed ay ku noolaadaan ammaan buuxa iyo xasillooni waarta.

 

- Advertisement -

Read more

Local News