Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta yeelanay kulan ay kusoo xulayaan guddi ka shaqeeya arimaha doorashada madaxweynaha Soomaaliya.
Guddigaasi ayaa qaban doona shaqooyin adag, oo ay ugu horeyso diiwaan gelinta musharixiinta tartameysa iyo doorashada madaxweynaha.
Haddaba imisa ayay ka koobnaan doonaan maxayse tahay sharuudaha laga doonayo, Hoos ka akhriso:-
Guddiga isku dhafka ah ee doorashada madaxweynaha Jamhuuriyadda:
Waxaa la dhisayaa guddi isku dhaf ah oo ka kooban 10 xildhibaan oo ka tirsan golaha shacabka iyo 5 Xildhibaan oo ka tirsan aqalka sare.
Guddoomiye kasta isagoo la tashanaya ku-xigeennadiisa ayaa magacaabaya xubnaha guddiga uga qeyb-galaya.
Guddiga isku dhafka doorashada madaxweynaha waxaa uu u qeyb-samaa labo guddi hoosaad:
Guddiga hoosaadka nidaaminta iyo diwaangelinta murashaxiinta waxaa uu mas’uul ka yahay:
Nidaaminta murashaxiinta, ilaalinta ku dhaqanka xeer hoosaadka, diiwaangelinta iyo hubinta waraaqaha murashaxiinta, hubinta soo jeedinta magacaabista iyo taageerayaasha murashaxiinta, Maareyta iyo Ha Maamuuska, iskugu yeerid munaasabadaha iyo Dhageysiga iyo xallinta cabashooyinka.
Guddi hoosaadka howl-gelinta guud iyo Maaliyadda shaqadiisu waa:
Sugidda amniga, Loogistikada, Diiwaangelinta martida, faraqaadka-(Bio-Metrics), iibsiga alaabta iyo maamulidda maaliyadda iyo dhaqaalaha xisaabta bangiga.
Si waafaqsan qodobka 111G(b) ee dastuurka, guddiga isku dhafka ee doorashada madaxweynaha waxaa si goobjoognimo ah ula shaqeynaya guddiga madaxa banana ee doorashooyinka qaranka si ay u hubiyaan habsami u socodka habraaca doorashada madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka ah.
Guddiga isku dhafka waxaa uu iska dhex-dooranayaa guddoomiye iyo guddoomiye ku xigeen oo ka kala socda labada aqal.
Guddigan isku dhafka ah iyo guddi hoodaasyadiisa waxaa ay dejinayaan xeer-nidaamiye ay xilgudashadiisa iyo howlahooda ku fuliyaan.
Guntanka guddiga waxaa uu ku ansaxayaa kalabarka tirada guud ee xubnaha guddiga oo haldheeri ah.
Guddi-hoosaadyada waxaa ay warbixintooda iyo talooyinkoo siinayaan fadhiga guud ee guddiga.
Xilheynta guddiga isku dhafka ee doorashada madaxweynaha waxaa ay ku egtahay markii ay dhamaato doorashada madaxweynaha JFS.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com