Sidee looga fal-celiyay go’aanka Soomaaliya ee ka dhanka ah Itoobiya?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo saartay go’aanno culus oo ka dhan ah Itoobiya, kadib kulan ay maanta  magaalada Muqdisho ku yeesheen xubnaha Golaha Wasiirada Soomaaliya oo soo saaray qaraar culus.

Golaha ayaa go’aamiyay in la xiro laba qunsuliyadood oo Itoobiya ay ku leedahay magaalooyinka Garoowe iyo Hargeysa.

“Laga billaabo maanta oo taariikhdu ay tahay 04 April 2024, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay xirtey isla markaana oggolaanshihii hawlgalka oo ay dalka uga furnaayeen kala noqotay qunsuliyadaha ay Dowladda Itoobiya ku lahayd magaalooyinka Garoowe iyo Hargeysa, waana in ay muddo todobaad gudahiis ah ku xirtaa labadaasi qunsuliyadood” ayaa lagu yiri go’aanka golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Diblomaasiyiinta Dowladda Itoobiya ee u hoggaansami waaya qaraarkaan waxa ay galayaan xadgudub ka dhan ah Qaranimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaana laga qaadayaa tallaabooyin dheeri ah oo waafaqsan xeerarka diblomaasiyadda caalamka”.

Hadda sidee looga faceliyan go’aannadan kasoo baxay Golaha Wasiirada Soomaaliya?

Qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ee isticmaala baraha bulshada ayaa si weyn u boggaadiyay tallaabada ka dhanka ah Itoobiya ee ay qaaday dowladda Soomaaliyeed.

Cabdishakuur Galbeed “Waxaa qurux badneyd Soomaaliya oo idil in laga wada saaro”.

Xabiib Khayraawi “War itoobiya xoog bey sheeganeysaa ee dowladeenu xoog ma leedahay ay ku dhaqangeliso? Haddii kale waraaqahan iska dhaafa”.

Axmed Xaaji Nuur “Boggaadin ayaad mudan tihiin. Guulaysta”.

Maxamed Cabdixaafid Kaboole ayaa isaguna dalbaday in la eryo ciidanka Itoobiya “ciidamadeedana halagu daro”.

Asad Cabdullahi “Go’aan geesinimo leh mudane R/wasaare, marna dhex kama nihin kamana soo horjeedno ilaalinta sharafta dalkeena hooyo”.

Cismaan Yuusuf “Hambalyo shaqo wanagsan aa qabateen”.

Si kastaba, xiisadda u dhexeysa dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa cirka isku shareertay bishii Janaayo kadib markii Addis-Ababa ay heshiis la gashay Somaliland, kaasi oo lagu sheegay in Ethiopia lagu siinayo dhul badeed ay ka dhigato saldhig ciidan iyo dekad.