Muqdisho (Caasimada Online) โ Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta furay kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa falcelin kala duwan ka dhalatay khudbadii uu ka hor jeediyay golaha.
Khudbadan ayuu uga hadlay guulaha laga gaaray sugidda amniga iyo dib u xoreynta dalka, kobcinta dhaqaalaha, xasilloonida siyaasadda, xallinta khilaafaadka iyo xiriirka caalamiga ah.
Madaxweynaha ayaa dul-istaagay shaqadii dhanka sharci dejinta iyo korjoogteynta howl-gudashada xukuumadda ee ay la yimaadeen mudaneyaasha baarlamanka 11-aad, isagoo u rajeeyay in ay si buuxda uga soo baxaan waajibaadka dastuuriga ah ee kaga aaddan dhammeystirka dastuurka, dimuquraadiyeynta dalka iyo xoojinta dowladnimada.
Sidoo kale, khudbadan ayuu uga warbixiyey guulaha siyaasadeed, amni, dhaqaale, dib u heshiisiinta iyo horumarineed ee ay ku tallaabsatay dowladdu muddadii la soo dhaafay, isagoo tilmaamay sida ay uga go’an tahay xoojinta dowladnimada iyo ku dhaqanka shuruucda dalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hoosta ka xarriiqay in ay ka goโantahay in lala fariisto masโuuliyiinta iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ka aragtida duwan dowladda, si loo helo midnimo iyo wadajir qaran.
Dadka ka fal-celiyay khudbadan ayaa waxay Madaxweynaha ku dhaliileen in markii hore uusan ka fiirsan dagaalka uu la galay hoggaanka Jubbaland, kaasi oo ay ku baxeen wiilal Soomaaliyeed.
Sidoo kale waxay dadka qaar ay soo dhaweeyeen shidaal qodista Soomaaliya iyo in markii u horreysay laga hirgeliyo dalka markii u horeysay saldhiga dayax-gacmeedka.
Halka ay kuwa qaar su’aallo ka keeneen in Madaxweynaha uu ka hadli waayo arrinta dhulka danta guud, oo xiisad gacan ka hadal gaartay ka riday magaalada Muqdisho intii uu ku maqnaa dalka Mareykanka.
Haddaba, sidee looga fal-celiyay?
Cabdiraxmaan Xasan Cabdiraxmaan: “Wax khilaafad la xaliyay ma aragno eata Puntland dhinac usocota, Somaliand dhinac u taagan, Jubbaland dhinac socota. Dowladda oo dhan miyaa in lala heshiiyo kaliya Cali Guudlaawe iyo Lafta-gareen gareen iuo Qoor-Qoor, taasi ma aha dowladnimo sax ah waa kaligaa soco.”
“Madaxweyne hadii aad ka laabanayso dagaalka Axmed Madoobe maxaa ciidanka ugu laysay Raaskambooni, sidoo kale maxaa wiilasha Soomaaliyeed iskugu leysay Beladxaawo? Maxay hadda ku dhinteed dadkii dagaaladaas ku nafwaayay?,” ayuu yiri Cabdirisaaq Xaashi.
Cabdixakiim Maxamuud: “Madaxweynaha muxuu ugu hadli waayay arrimaha dhul boobka magalada Muqdisho?.”
“Loo joojin maayo ma waxay dhashay waan la fariisanayna,” ayuu yiri Cabdishakuur Maxamed.
Cabdiraxmaan Xaaji: “Qodista shidaalka iyo saldhigga dayax-gacmeedka waa albaab cusub oo horumar dhaqaale ah. Hoggaamiye Birmade.”
“Maxaa laga dheefayaa shidaal dal Afrikaan ah qoto, aaway dowladihii horay uqotay maxay ka macaasheen dadkoodu, tana waa tii oo kale hadeyba dhacdo in la qodo,” ayuu yiri Caseer Axmed Cali.
Cabdixakiim Cabdullaahi Faarax: “Hadoon shidaal la qodin ayaa dagaal qabiileysan laga bixi la’ yahay dowladduna qorshe aysan u dajin bal suureyso hadii shidaal laqodo waxa imaan kara.”
Waxa uu intaas kusii daray “Howl kasta intii la qaban ayaa laga hor leexiya caqabadaha iman kara. Tusaale hadii aad leedahay keyd shidaal waa in halkaas aysan ka soo agdhawan wax dalin kara ama kicin kara dab!!”.