Fal-celin culus oo ka dhalatay kulanka Xasan Sheekh iyo Muuse Biixi ee Jabuuti

Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo kan Somaliland ayaa shalay ku kulmay dalka Jabuuti, kaasi oo uu goobjoog ka ahaa madaxweynaha dalka Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Kulanka labada madaxweyne ayaa noqonaya midkii labaad oo ay yeeshaan Xasan Sheekh Maxamuud iyo Muuse Biixi Cabdi, ayada oo ujeedkiisu ahaa dib usii amba qaadida wada-hadallada dowladd federaalka Soomaaliya iyo Somaliland oo muddo dheer hakad ku jiray.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa dadaaladaasi awgeed shalay uu tegay Djibouti, waxaana wehlinaya wasiirka arrimaha gudaha ee DFS, wasiirka ganacsiga iyo Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed oo ah Ergeyga gaarka ah ee wada-hadalada Soomaaliya iyo Somaliland.

Dhanka Wafdiga Somaliland waxaa horkacaya Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxaana qayb ka ah wasiirrada wasaaradaha horumarinta maaliyadda, qorshaynta iyo horumarinta qaranka, arrimaha gudaha, waxbarashada iyo sayniska, iyo Ergeyga gaarka ah ee Somaliland u qaabilsan wada-hadallada Soomaaliya Marwo Edna Aadan Ismaaciil oo iyadu dalka Jabuuti kaga sii horraysa wefdiga Madaxweynaha.

Xiriirinta kulankaan iyo qaban-qaabadiisa waxaa lahaa madaxweyne Geelle oo labada nin la’ah saaxiib, lana leh xiriir wanaagsan, sidoo kalena hadda ah guddoomiyaha urur-goboleedka IGAD.

Haddaba, Sidee looga fal-celiyay?

Cabdiqaadir Bile Ibraahim: “Helitaanka xal lagu wada qanacsan yahay waxay u baahan tahay dublamaasiyad jilicsan, isu tanaasul, iyo ballan-qaad dhab ah oo ka yimaada labada dhinac. Guul ayaan rajeeynayaa in ay ku dhammaadaan dadaalan socda.”

Cabdirisaaq Bashiir ayaa sidoo kale waxa uu yiri “Somaliland maxay kala hadlaysaa Somalia sheekadu maanay meeshii hore hoos uga soo dagin Khaatumo uun maa loo diro Somaliland ayagaa afyaqaane.”

“Aad iyo aad waan soo dhaweyneynaa wllhen reer Somaliland soo dhawaada,” ayey tiri Sowda Maxamed.

Axmed Cabdi ayaa isna waxa uu yiri “Somaliland uma baahno wada-hadal, awood military ayaan dul-dhigaaye cid kasto oo ka soo horjeedo midnimada.”

“Waan so dhaweynaya wa shir wanaagsan hadiiba Somaliland maanta raadineyso la kulanka madaxda qaranka ayado aan ognahay sanada ka hor meesha ay taagnayeen,” ayuu yiri Ibraahim Maxamed Cali.