Kismaayo (Caasimada Online) – Falcelin xooggan iyo dareen shacab ayaa ka dhashay wada-hadallada la’isku mari waayay ee magaalada Kismaayo ku dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe.
Labada nin oo xalay iyo maanta yeeshay wada-hadallo ay albaabadu u xiran yihiin ayaa ugu dambeyn ku kala tegay, iyadoo aan la gaarin wax natiijo ah, waxaana si deg deg ah uu Xasan Sheekh ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa ku adkeystay in Axmed Madoobe uu ka laabto doorashadii Jubbaland, isla markaana uu aqbalo hirgelinta doorashada qof iyo cod, iyo inuu dib ugu soo biiro Golaha Wadatashiga Qaran.
Hoggaamiyaha Jubbaland ayaa isaguna dhankiisa ku adkaystay in Dowladda Federaalka ay marka hore aqoonsato doorashadii maamulkaasi qabtay, ka hor inta aan laga hadlin qodobada kale ee muranka dhalinaya.
Wada-hadallada lagu kala kacay ayaa waxaa goob joog ka ahaa Taliyaha Sirdoonka Kenya, Nuuradiin Xaaji oo qeyb ka ah dhexdhexaadiyaasha iyo daneeyayaasha arrimaha Soomaaliya.
Safarka Kismaayo ee Xasan Sheekh ayaa yimid xilli todobaadkii hore Axmed Madoobe uu Nairobi kula shiray dhigiisa Puntland iyo xubno kamid ah Madasha Samatabixinta, iyaga oo dhisay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo ay ugu tala-galeen waqtiga kala guurka ee dalka, taas oo sii adkayn karta wada-hadallada uu hadda la leeyahay Dowladda Federaalka.
Haddaba sidee looga falceliyay wada-hadallada lagu kala kacay ee Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe?
Cabdullahi Maxamed Siyaad: “Meel fiican haddii la isla gaaray labada dhinacba magacyadooda ayey xusi lahayeen ee boor isku qariska naga daaya”.
Cawaale Faarax: “Inaan la’is fahmayn qof kaste oo Soomaali ah wuu ogaay madaxwaynaha diyaarad noo soo saara”.
Cabdirisaaq Xaashi: ” Ma waxaad moodeen in lagu jiro xiligii aan xogta la heli jirin, wax kasta iyo sida ay u dhaceen waa lahayaa ee Shacabka beenta ka daaya. Duqii Axmed ahaa inaad soo heshiin weyseen oo soo kala yaacdeen way ogyihiin Shacabka Soomaaliyeed”.
Zaki Maxamed: “Soomalinimo ma jirto haddiiba Kenyaan heshiiya dhahaya laba nin oo Soomaali ah”.
Maxamed Cabdullahi: “Qoraalka waxaa laga ilaaliyay magaca Axmed oo dhan meesha waxaa ku cad in xittaa quraansho wax la eg oo hashiis ah ineysan jirin”.
Shii Ugaas: “Runa ha sheegin beena ha shegin wax shegatana ha waayin ayaa la dhahaa alaabtaan”.

