Muqdisho (Caasimada Online) – C/raxmaan Ducaale Beyle, Guddoomiyaha Guddiga Qaban qaabada Doorashada Madaxweynaha, ayaa sheegay in Guddiga ay ku dadaalayaan ka hortaga musuq-maasuq ku imaada Doorashada Heerka Madaxweyne ee Somalia.
C/raxmaan Ducaale Beyle, ayaa sheegay in qorshahooda koowaad uu yahay in Musharaxiinta u taagan doorashada lagu qanciyo qaabka ay u dhaceyso doorashada.
Beyle, waxa uu ballanqaaday inay ka fogaan doonaan wax waliba oo keenikara musuq, waxa uuna meesha ka saaray in Guddiga ay taageersan yihiin musharaxiin gaara.
Beyle, waxa uu sheegay in marka la’eego dhamaan dadka codsiyada soo qortay ee u tartamaya xilkan ay yihiin kuwo buuxiyay sharuudihii looga baahnaa una qalma sida uu hadalka u dhigay in ay madaxweyne noqdaan.
Waxa uu cadeeyay in Musharaxiinta ay kala saari doonaan Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ee iyaga wax dooranaya.
Sidoo kale, C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in ay aad uga taxadarayaan Guddigooda in Doorashada ay musuq ka dhacdo, wuxuuna tilmaamay heerkii ugu sareeyay ee Cadaalada ay Doorasho Dalka kaga dhacdo in ay ku saleyn doonaan.
Haddalka Beyle ayaa imaanaya xili ay is diiwaangaliyeen Musharaxiin cadadkooda lagu sheegay 24 kuwaa oo loolan adag ugu jira hogaaminta dalka mudada u dhexeysa 2017 ilaa 2020.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

