29.9 C
Mogadishu
Thursday, October 9, 2025

Sidee Soomaalida waajib ugu noqoneysaa horumarinta luqadda Sawaaxiliga?

Bookmark
Bookmarked

Share

Dar es Salaam  (Caasimada Online) – Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Tanzania iyo Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC), Mudane Ilyas Cali Xasan ayaa si faah-faahsan uga hadlay qorshaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ee ku aadan horumarinta luqadda Sawaaxiliga.

Ilyaas ayaa shaaca ka qaaday in luqadda Sawaaxiliga ay ka mid tahay afafka rasmiga ah ee Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC), oo ay dhawaan xubin buuxda ka noqotay Soomaaliya.

Safiirka ayaa sidoo kale intaasi ku daray in dadka Soomaaliyeed ay waajib ku noqoneyso barashada Sawaaxiliga, ayna muhiim tahay in lagu daro Manhajka waxbarashada dalka.

“Luuqada Swahili, waa mid kamid ah Luuqadaha rasmiga ah ee Ururka EAC oo dowlada Soomaaliya xubin buuxda katahay, taas ayaana ka dhigeysa waajib kamid ah waxyaabaha laga rabo dowldaha xubnaha ka ah in ay ku daraan Manhajkooda Waxbarashada” ayuu yiri danjiraha Soomaaliya u fadhiya magaalada Dar es Salaam ee caasimada dalka Tanzania.

Maalin kahor Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo Muqdisho ka furay shirweynaha urur-goboleedka iskaashiga dhaqaalaha bariga Afrika (EACCON 2025) ayaa soo jeediyay in xoogga la saaro luqadda Sawaaxiliga.

Madaxxweyne Xasan Sheekh ayaa Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed faray inay ka shaqeyso horumarinta luqadda Sawaaxiliga, maadaama ay tahay luqadda bariga Afrika oo ay dhawaan xubin buuxda ka noqotay Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

“Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed iyo guud ahaan jaamacadaha dalka waxaan ku boorinayaa inay xoog badan geliyaan horumarinta luqadda Sawaaxiliga oo ah luqadda ay leedahay East Africa” ayuu yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Wuxuu sii raaciyay “Jaamacadaha sideedaba laba farriin ayay ximbaasan yihiin cilmi iyo aqoon inay abuuraan oo ay curiyaan waa mid. Cilmigaas iyo aqoontaas ay dhaliyeen iyo kuwa horay loo soo dhaliyay inay baahiyaan oo gaarsiiyaan dadka waa midda labaad”.

Dhankiisa Wasiirka waxbarashada Faarax Cabdulqaadir oo isna khudbad ka jeediyay madasha ayaa arrintan sii xoojiyay, waxaana ka dhalatay hadal heyn xoogan iyo falcelin ay ka sameeyeen bulshada Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Read more

Local News