28.3 C
Mogadishu
Friday, January 2, 2026

Sidee xad-gudubka Israa’iil ee Soomaaliya u burburiyay danihii Imaaraadka ee…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhawaaqii sida weyn looga horyimid ee Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu uu Jimcihii hore ku sheegay in uu aqoonsaday Somaliland, ayaa horseeday isbeddel degdeg ah oo ku yimid danihii Isutagga Imaaraadka Carabta ee uu ka lahaa dalal kala duwan.

Dalka ugu horreeya ee Imaaraadku caqabad kala kulmo ayaa noqday Yemen, kadib markii ay fahantay in Imaaraatku ku howlan yahay dadaallo lagu doonayo in qayb kamid ah dalkeeda ay aqoonsato Israa’iil.

Arrintaas awgeed, Xukuumadda Abu Dhabi waxaa lagu amray in ay dalka Yemen kaga baxdo muddo 24 saac gudahood ah, amar kaas oo si buuxda loo fuliyay.

Sidoo kale, dhaqdhaqaaqyadii Imaaraatka ee dalalka Suudaan, Liibiya iyo dalal kale oo Carbeed ayaa si weyn hoos loogu dhigay, si looga hortago in mar kale laga eryo dalalkaas, gaar ahaan iyadoo Imaaraatku sanadihii u dambeeyay ku uruurinayay ciidamo, hub iyo dhaqaale badan dalal dhowr ah.

Wararka la helayo ayaa tilmaamaya in arrintani ay keentay khilaaf gudaha ah oo ka dhex curtay xubnaha ku mideysan Isutagga Imaaraadka Carabta, iyadoo qaar kamid ah ay muujiyeen caro ku aaddan sir qarsoon oo la ogaaday, taas oo ay muddo dhaqaale ku bixinayeen iyaga oo aan xog buuxda ka hayn.

Dhinaca kale, Sacuudiga oo muddo si dhow ula socday qorshayaasha uu waday Isutagga Imaaraadka Carabta, ayaa adeegsaday istaraatiijiyado adag oo intooda badan hirgalay, kuwaas oo ay kamid tahay beegsiga kooxihii lagu uruurinayay Yemen iyo xoojinta kacdoonnada gudaha dalkaas.

Imaaraadka Carabta ayaa hadda wajahaya cambaarayn ballaaran oo uga imaanaysa dalalka Carabta, waxaana dib loo milicsanayaa qalabkii iyo qorshayaashii fashilmay ee uu u adeegsaday kala fogeynta dalalka ay rabshaduhu ka jiraan, isaga oo arrintaas u ekeeyay mid gargaar ah.

Qaar kamid ah muwaadiniinta Imaaraadka ayaa billaabay in ay adeegsadaan baasaboorro dalal kale ah si ay uga baxsadaan xaaladaha adag ee soo wajahay, sida ay sheegeen ilo kala duwan.

Sidoo kale, waxaa yaraaday socdaalkii dadka danaha Imaaraatka ku leh ee u safrayay dalalkaas.

Ugu dambeyn, Imaaraadka Carabta waxaa loo arkaa marin ay Israa’iil u adeegsato xiriirinta xubno doonaya in laga gooyo dalalkooda, waxaana kordhay safarro qarsoon oo ay sameynayaan xubnahaas, inkasta oo haatan uu jiro feejignaan cusub oo lagu kormeerayo dhaqdhaqaaqaasi.

- Advertisement -

Read more

Local News