Sidee XUKUUMADUHU u shaqeeyaan?

Marka qaab dhismeedka dawladaha iyo sida ay u shaqeeyaan laga hadlayo, waxaa muhiim ah inaan sheegno nooca dawladeed ee aan ka hadleyno, si aan ugala soo baxno nooca naga quseeya ee aan dooneyno.

Guud ahaan noocyada dawladeed ee jira waxaa loo kala saaraa ilaa 3 nooc, oo ah tusaalayaasha ugu waa weyn, F.G. noocyo kalena wey jiraan. 

1- Republic, (waa qaab dhismeed dawladeed kuna timaada rabitaanka dadkeeda, awooduna ay dadku leeyihiin, soona doorta madaxdooda). 
2- Monarchy, ( waa nooc dawladeed oo la iska dhaxlo isla markaana hal qof kaliya uu awooda leeyahay, “boqortooyo”). 
3- Dictatorship, ( waa muuqaal dhismeed dawladeed oo ku timaada awood maroorsi, hal qof ama koox ayaa awoodoo dhan wada leh, wuxuuna noqon karaa/ama ay noqon karaan, military ama rayid kuudoono/key doonaan”kaligii talis”).

 
Hadaan u soo noqdo su’aasheyda (sidee xukuumaduhu u shaqeeyaan?.) Somaaliya waxey ka mid tahay wadamada ay u dhisan tahay nooca dawladeed ee aan soo sheegnay mid ka mida oo ah “republic” waxeyna ka sii tahay nooca loo yaqaan “parliamentary Goverment” oo ah dawlad awoodeeda ay leeyihiin parliament, ama Baarlaman la soo doortay asal ahaan, sida kan Britain ama Japan oo kale, oo iyagu atuomatically talada u qabta gudoomiyaha xisbiga u bata baarlamaanka, inkastoo kan Soomaaliya la soo xulay, isla markaana doorta Madaxweynihii Jamhuuriyadda.
 
Qaab hoosaadka dawladeed ee Soomaaliya waa nooc leh madaxweyne la soo doortay iyo ra’iisal wasaare la soo magacaabay. Waa nooc u eg qaab dhismeedka dawladeed ee Russia-yada maanta ka jira ama kan kan France.
 
Soomaaliya ma jiraan axsaab siyaasadeed oo talada ku tartama sidaa darteed, madaxweynihii la doortaa waxaa dookhiisa ku soo xulan karaa ra’iisal wasaarihii uu doono, kaa soo isna soo dhisa golo wasiiro.
Haddaba golahaa wasiirada ayaa loo yaqaanaa xukuumad “cabinet” waxaana gudoomiya ra’iisal wasaaraha, waana nooc hoosaad kale oo Soomaaliya u gaara inuusan madaxweynihii la soo doortay gudoominee uu gudoonsho ra’iisal wasaare la magacaabay.
 

Sida lagu barto daraasadaha siyaasadda, golaha xukuumadu waa koox u xilsaaran fulinta howlaha dawladda waxeyna talo siiyaan madaxweynaha kaa soo go’aan ka gaara hadba wixii lagala taliyey ee taagnaa, hadba go’aan ka uu qaato ayey fuliyaan golaha xukuumada.

 
Laakiin nooca Soomaaliya ka jira ee u goonida ah waxaa go’aanka qaata ra’iisal wasaaraha kadib markuu la tashado madaxweynaha. Si kastoo ay ahaataba hadana weli waxey u shaqeeyaan qaabka xukuumadaha laga doonayo, oo ah iney ka doodaan howl kasta oo taagan, kadibna loo codeeyo lana raaco halka codku u bato, wax kastoo ka dhasha go’aankaa ay isku raaceen golahaasi hadey wanaagsanaato iyo haddey xumaataba masuuliyadeeda wey wada yeelanayaan, waxaana nidaamkaa la yiraahdaa “collective responsibility”. Wasiirka sports-ka iyo kan arimaha dibeda, difaaca, arimaha gudaha iyo kan caafimaafka waa isku xuquuq isku si beyna dooda uga wada qeyb qaadanayaan masuuliyadda wixii ka dhashana u wada qaadayaan, iyadoo howsha dhextaalana ay tahay howl laga wada sugayo.
 
Haddii xubin ka mida wasiiradaa ay u cuntami weydo go’aanka la isku raacay, wuxuu weli ku qasbanaanayaa inuu ogolaado difaacana haddii wax laga weydiiyo, maadaama cod wada jir ah lagu meel mariyey arinka u cuntami waayey laftiisa, taa soo ah qaabka rasmiga ah ee xukuumaduhu u shaqeeyaan. Waxaa ka loo u furan hadduu u bogi waayo qaabka wax loo wado, inuu is casilo oo uu shaqada isaga tago, oo weliba waa inuusan saxaafadda uga waramin xogta dawladda, taa soo ah mida ugu asluubka badan dawladaha kalena lagu arko.
 
Laakiin waxaa mamnuuc ah wax dhacana aan aheyn in adoo wasiira oo weli ku jira xukuumadaad wasiirka aheyd inaad ka hor timaado oo weliba saxaafadda ka hadasho. Wasiirku maaha qof go’aamadiisa ku shaqeeya xataa haddii uu ka yimi xisbi mucaarada, ee waa qof ku shaqeeya hadba siyaasadda xukuumadaa u taal, iyo “collective responsibility-ga aan soo sheegnay”. 
 
Tusaale wasiirka difaaca ee dalka Mareykanka Mr. Chuck Hegal waxaa uu ka soo jeedaa Xisbiga mucaaradka ah ee Jamhuuriga, wuxuuna ku shaqeeyaa siyaasadda xisbiga Dimoqraadiga ee dalka ka taliya, waxaa ka horeeyey Leon Panetta oo isna ka soo jeeday isla Xisbiga Jamhuuriga ee mucaaradka hadda ah, Mr. Panetta waxaa uu wasiirka difaaca soo ahaa 4tii sano ee hore ee madaxweyne Brack Obama, ka hor inta aanan Obama mar 2aad dib loo soo dooran ayuu sii sheegay haddii uu Madaxweyne Obama soo noqdo xataa inaan isagu soo noqon doonin oo aanu dooneyn inuu la sii shaqeeyo, wuxuuna ku baxay si aan buuq laheyn waa wadada kaliya ee u furan.
 
Tusaale kale dalka Ingriiska waxaa ka dhisan xukuumad wadaag ah oo ay sameysteen labo xisbi oo aragti ahaan aad u kala duwan, laakiin markii ay iyagu heshiiyeen waxey meesha ka saareen xiabigii labor-ka ee talada markaa soo hayey, waxeyna 2da xisbi kuwada shaqeeyaan siyaasada wadaaga ah ee xukuumadooda. Waxaa la mida oo sidaa soo kale ay ka dhacdaa mar walba in dawlad wadaaga ay wada sameystaan 2 xisbi oo kala aragti duwan dalka Israel, buuq na lagama maqlo.
 
Si kastoo ay ahaataba waxa igu kalifay inaan naqaalkan qoro ayaa waxa ay aheyd, kadib markaan dhageystay dhawaaq ka soo yeeray wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya oo diidan go’aan sida la sheegay ay golaha wasiirada uu ka tirsan yahay isla qaateen. Wasiirku ma yeelin inuu iska aamuso kuna shaqeeyo masuuliyad wadareedka sharciga ah “collective responsibility-ga aan soo sheegnay” iyo inuu isaga tago shaqada oo uu is casilo hadaanu qaadan karin siyaasadda xukuumadaasi ku shaqeyneyso oo ah labada ikhtiyaar “options” ee u furan,
 
Marka akhristow siyaasiyiinteena Soomaaliyeed oo lagu sheego iney wax soo barteen, miyaa been ah, mise shaqada ay ku jiraan beysan aqoon?. Ma anigaa waalan mise cadan baa laga heesayaa?. Aan idiin daayo idinka xalka su’aashaasi.
 
SAID ABDI HIRSI
Los Angeles, California.