25.3 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Xog: Sidey u dhaceysaa doorashada guddoomiyaha BF iyo ku xigeenadiisa

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga qaban qaabada doorashada guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaaciyay sida ay u dhaceyso doorashada guddoomiyaha baarlamaanka.

Gudoomiyaha guddigaasi C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa sharaxaad dheeraad ah ka bixiyay qaabka ay u dhaceyso doorashada maalina 11 bishan Janaayo ku beegan tahay.

Dhowr qeybood ayuu sheegay inay ka koobnaan doonto doorashada gudoomiyaha baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa.

Midda koobaad ayuu ku sheegay inay musharixiinta qasab tahay gudbinta codsiyada la xiriira musharaxnimadooda, kadibna ay bixiyaan dhaqaalaha laga doonayo.

Qeybta labaad ayuu ku sheegay inay hortagi doonaan baarlamaanka Soomaaliya si ugu gudbiyaan qaabka ay doonayaan inay baarlamaanka ku hogaamiyaan.

Maalinta beri ah ayuu sheegay inay ku eg tahay waqtiga musharixiinta guddoonka baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa kusoo gudbin karaan araajidooda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News