25.9 C
Mogadishu
Thursday, June 12, 2025

Sidii loo qorsheeyay ma aysan noqon

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida qorshaha uu ahaa waxaa maanta gelinka hore la doonayay in dood loo qabtaa musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha dalka.

Doodaasi ayaa waxaa loo qorsheeyay in 12 musharax gelinka hore ay ka qeyb galaan su’aalana la weydiiyo, balse ma aysan u dhicin sidii loo qorsheeyay.

Waxaa dooda maanta xaadirtay 3 musharax kaliya, waxaana meesha ka muuqata in sagaal kale aysan tagin goobta dooda ay ka dhaceysay.

Sida wararka aan ku heleyno musharixiinta qaarkood ayaa diiday inay tagaan goobta dooda ka dhaceyso, kadib markii ay dareemeen inay qiyaano socoto.

Waxaa musharixiinta kamid ah Sheikh Sharif iyo Faroole, waxaana ku daysaday musharixiin kale oo aanan xaadirin madasha dooda ka dhaceysay.

Su’aalaha la weydiinayay musharixiinta kooban ee tagay goobta ayaa ahaa kuwo ay kaga hadleen khudbadihii ay ka hor jeediyeen xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, mana jirin wax ka duwan oo ay ka hadleen.

Waxaa soo baxaya shaki ah in dooda labaad oo uu ku jiro Xasan Sheikh Maxamuud inuu ka cudur daartay ka qeyb galka dooda, taasi oo dhalisay in musharixiin badan ay ka caroodaan.

Caasimada Online
Xafiisma Muqdisho
Caasimada@live.com

- Advertisement -

Read more

Local News