Muqdisho (Caasimada Online) – Sida lagu daabacay wargeyska Faransiiska ee Le Monde, Sirdoonka Ingiriiska iyo Mareykanka, ayaa si ba’an u dhageysta Telefoonada ay isticmaalan madaxda Qaarada Madow ee Africa.
La-taliyihii hore ee Hay’adda Nabad-sugidda Qaranka ee Maraykanka, Edward Snowden, ayaa sheegay in Dowladaha Washington iyo London ay la socdaan dhammaan xogaha ay is weydaarsadan Madaxweynayaasha Africa, waxa uuna sidoo kale sheegay Sirdoonka ay dhageystaan Telefoonada Ganacsatada Africa.
Edward Snowden, oo wareysi gaara siinaayay Wargeyska ayaa sheegay in Sirdoonka labada dal ay si joogta ah ula socdaan xaaladaha Africa, gaar ahaan Xogaha ay is weydaarsadan Madaxda Africa, waxa uuna intaa raaciyay in Sirdoonka labada dal ay il gaara ku hayaan Isgaarsiinta Africa.
Edward Snowden, waxa uu sheegay in dhiacyada sida joogtada ah loo basaaso ay kamid yihiin madaxweynayaasha, madaxda dawladda, hoggaamiyaasha mucaaradka, falaagada iyo ganacsatada.
Edward Snowden, waxa uu sidoo kale sheegay in ugu yaraan 20 dal oo Afrikaan ah ay ku jiraan ilaalada satalaytka Sirdoonka Ingiriiska intii u dhaxeysay 2008 iyo 2011, sida laga soo xigtay dokumentiyadan.
Edward Snowden, waxa uu sidoo kale sheegay in dhammaan macluumaadka Madaxweynayaasha Africa ay hayaan Sirdoonka Washington iyo London.
Si kastaba ha ahaatee, Washington iyo London ayaa noqonaaya Sirdoonka Ugu badan ee ku xadgudba Telefoonada Madaxda Caalamka, si ay u helaan macluumaadkooda.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

