Garoowe (Caasimada Online) – Qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka Puntland iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa kasoo jeeda maamulka Waqooyi Bari ayaa si adag uga horyimid heshiiskii maanta ay magaalada Nairobi ku gaareen Puntland iyo Somaliland.
Labada maamul ayaa ku heshiiyey inay xoojiyaan iskaashiga amniga, nabadda iyo horumarinta bulshada kadib shir taariikhi ah oo ay ku yeesheen magaalada Nairobi ee dalka Kenya, sida lagu sheegay war-murtiyeed si wadajir ah u soo saareen.
Shirkan oo ay ka qayb-galeen wasiirro iyo saraakiil sare oo ka kala socday labada dhinac ayaa lagu falanqeeyay xaaladda amni, dhaqaale iyo siyaasadeed ee guud ahaan Geeska Afrika, gaar ahaan sida loo xoojin karo wada-shaqeynta hay’adaha amniga iyo iskaashiga dhinacyada la-dagaalanka argagixisada.
Bayaanka ayaa sidoo kale xusay in labada dhinac ay isla qaateen in la xoojiyo iskaashiga amniga badda, iyadoo diiradda la saarayo la-dagaalanka dambiyada badda iyo tahriibka. Waxaa lagu heshiiyey in la dhiso guddiyo amni oo wadajir ah si loo xaqiijiyo bad-qabashada iyo isu-socodka maraakiibta ganacsiga ee dhex-marta xeebaha labada maamul.
Siyaasi Xasan Shire Abgaal oo kamid xubnaha mucaaradka ee Puntland ayaa si adag uga horyimid heshiiskan, isagoo cambaareeyay bayaanka ay sida wadajirka ah u soo saareen maamullada Puntland iyo Jubaland.
“Waxaan si adag u cambaareynayaa war-murtiyeedkii Puntland iyo Somaliland, wuxuu si toos ah ugu adeegayaa ajandaha siyaasadeed ee Somaliland, iyadoo si ula kac ah loogu dhiirraday erayo u dhigma aqoonsi dadban,” ayuu yiri Siyaasi Abgaal.
Waxa uu intaas kusii daray “Tani waa ku xad-gudub ka dhan ah Dastuurka dalka oo si cad u jebinayaa dastuurka dowladda Puntland, reer Puntland uma qalmaan, kumana metelaan gefkaas iyo sharci-darradaas ay koox yari go’aansadeen oo khilaafan rabitaanka iyo karaamada guud ee shacabka Puntland.”
Sidoo kale, Xidhibaannada Woqooyi Bari ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga horyimid heshiiska Puntland iyo Somaliland, iyagoo ku tilmaamay “shirqool ka dhan ah maamulka cusub ee Waqooyi Bari.
“Odey Cali Dhan waxa laga hayaa; “Xasan Mataan wixii Ilaahay u abuuray weli ma dhicin”. Waxa aynu sugnaynaa waa war-muriyeedkan kan xiga ee ay sida ay wadajir u saarayaan Cirro iyo Deni dhawaan. Shacabka Soomaaliyeed iyo ka Waqooyi Bari-ba indhaha ayay ku hayaan dhagaraha iyo shirqolaada loo maleegayo, waana ka feejigan yihiin. Soomaaliya ha guulaysato,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdi Qawdhan Warsame.
Xildhibaan Cabdullaahi Cali Xirsi ayaa isna dhankiisa muujiyay sida uu is-afgaradkaasi halis ugu yahay Waqooyi Bari, isagoo tilmaamay in heshiiskaasi uu gaar ku yahay hoggaanka maamulka Puntland oo aysan la qabin shacabka reer Puntland.
“Aragti cusub maaha jacaylka siyaasadeed ee Madaxweyne Puntland jooga iyo Somaliland waa soo jireen maanta se waa soo if baxay. In badan ayeynu maqalnay rag leh maamul dhexdayada kama samaysmi karo, waase fikir aanay qabin shacabka Puntland,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdullaahi Xirsi.
Si kastaba, maamullada Puntland iyo Somaliland ayaa si weyn iskugu soo dhawaaday kadib markii ay dowladda federaalka u dhaqaaqday dhismaha maamulka Waqooyi Bari, oo ay u aragto maamul ay uga adkaan karto maamulka uu hoggaamiyo Saciid Deni, oo muddo uu ka dhaxeeyay khilaaf siyaasadeed xooggan.
Heshiiska Nairobi ayaa haatan xoojinaya cilaaqaadka Somaliland iyo Puntland, iyadoo labada maamul ay isla qaateen muhiimadda ay leedahay in si buuxda loo soo afjaro colaadihii ka dhacay Ceerigaabo iyo deegaannada hoos yimaada, lana fududeeyo dib-u-celinta dadka barakacay, iyadoo dadka deegaanka loogu baaqay ka qeyb qaadashada dadaallada lagu xoojinayo deganaanshaha.
Mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa ku heshiiyey in la xoojiyo isu-socodka bulshada iyo ganacsiga, lana hirgeliyo kaabayaal dhaqaale oo kor u qaada xiriirka ganacsi ee labada dhinac.