25.6 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi oo Mowqif adag ka istaagay saami qeybsiga Aqalka Sare

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan magaalada Muqdisho ay ku yeesheen Siyaasiyiinta ka soo jeeda Gobolada Waqooyi ayaa waxaa Mowqif adag looga istaagay arrinta Aqalka sare ee saami qeybsiga beelaha waqooyi.

Kulanka ay wada qaateen Siyaasiyiinta ayaa waxaa ka dhex muuqday Ra’isul wasaare ku-xigeenka Maxamed Cumar Carte, Wasiirka Cadaaladda C/llaahi Axmed Jaamac (Ilka-Jiir), Wasiirka Dekedaha Nuur Faarax, Wasiirka Duulista Hawada Cali Axmed Jaamac (Jengeli) iyo Madaxweyne ku-xigeenka Puntland C/xakiin C/llaahi Camey.

Siyaasiyiinta ayaa kulankooda ku sheegay inay daba socdaan cadaalad darrada ka taagan qoondada kuraasta Aqalka sare ee Gobolada Waqooyi.

Siyaasiyiinta waxa ay sheegen in aanay ku qanci doonin saami qeybsiga aqalka sare wax ka yar %33 xubnaha Aqalka sare oo u dhigma 18 xubnood Aqalka Sare, taasoo ka badan 11 xubnood ee markii hore la isku hayay.

Waxa ay sheegen in DFS ay tahay mid ku dhisan Xeer hoosaad, waxa ayna ka biya diideen Cadaalad darida lagu sameynaayo Saami qeybsigooda.

Waxa ay sidoo kale sheegen hadii Madaxda Madasha ku adkeystaan mowqifkoodii hore ay halis muuqata geli doonto Midnimada Somalia.

Go’aanka Siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi ayaa sii cusleyn doonta Khilaafka ka dhextaagnaa Siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi iyo Guddiga Doorashooyinka.

- Advertisement -

Read more

Local News