Socdaalkii Farmaajo ee Masar iyo saameynta xiisadda dalalka Khaliijka

Qaahira (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa soo gabagabeeyay maanta boqasho laba maalmood ah oo uu ku tagay magaalada Qaahira ee dalka Masar.

Intii uu masar joogay waxa uu kulamo la yeeshay Madaxweynaha Masar Abdel Fattah Al-Sisi, Sheekha Azhar, iyo Jaaliyadda Soomaalida ee dalkaas ku nool.

War ka soo baxay madaxtooyada Masar ayaa lagu sheegay in Masar ay Soomaaliya ka taageeryso dhinaca dhismaha ciidanka, la dagaalanka iyo la dagaalanka argagixisada iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Booqashada Madaxweynaha ee Masar ayaa ku soo aaday xilli Soomaaliya ay mowqif dhexdhexaadnimo ka taagantahay khilafka wadamada Khaliijka Carabta iyo Qadar oo Masar ay dhinaca Sacuudiga la jirto.

Waxaa sidoo kale jira in qaar ka mid ah maamul goboleedyada dalka Soomaaliya ay la safteen xulufada Sacuudiga.

Habada Booqashadaa saameyn ma ku yeelan kartaa mowqifkii dowladda Soomaaliya ee xiisadda, su’aashaa iyo kuwo kale ayaa idaacadda VOA ay ka wareysatay Ambassador Cabdullahi Congo, oo muddo dheer ka soo shaqeeyay Jaamacadda Carabta, kuna suggan dalka Isu tagga Imaaraadka Carabta.

Hoos ka dhageyso wareysi:

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com