Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa maanta isfaham buuxa ka gaaray ixtiraamka madax-bannaanida Soomaaliya, kadib markii dhowaan xukuumadda Nairobi ay “Jamhuuriyad” ugu yeertay Somaliland, oo caalamku u aqoonsan yahay maamul ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Arrintan ayaa waxaa si gaar uga wada fariistay wasiirrada arrimaha dibadda ee labada dal Cabdisalaam Cabdi Cali (Dhaay) iyo dhiggiisa Musalia Mudavadi, xilli uu socday shirka heer-wasiir ee isu duweyaasha FOCAC, oo lagu qabtay magaalada Changsha ee dalka Shiinaha.
Kulanka oo ahaa mid miro-dhal ah ayaa waxaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal, iyada oo wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya uu si cad u adkeeyay muhiimadda ay leedahay in dhammaan wada-hadallada iyo iskaashiyada laba-geesoodka iyo kuwa caalamiga ahba lagu fuliyo oo keliya iyada oo loo marayo hay’adaha dastuuriga ah ee dalka.
Waxaa kale oo uu wasiirku si xooggan u muujiyay in la dhowro madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, taasoo uu ku tilmaamay aasaaska deris wanaagga iyo xasilloonida guud ee gobolka.
Sidoo kale wasiirka arrimaha dibadda Kenya Musalia Mudavadi ayaa dhankiiisa mar kale ku celiyay mowqifka dowladdiisa ee ah in ay si buuxda u taageersan tahay midnimada iyo madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya, iyadoo la tixraacayo mabaa’diida deris wanaagga, xushmadda qarannimada, iyo wadajirka gobolka.
Labada wasiir ayaa sidoo kale isku raacay in la dedejiyo qabsoomidda kulanka guddiga iskaashiga wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Kenya (JCC), si loo dhamaystiro heshiisyadii hore ee hakadka galay, loogana shaqeeyo horumarinta iskaashiga dhinacyada ganacsiga, waxbarashada, kaabeyaasha dhaqaalaha, iyo arrimaha amniga.
Ugu dambeyn, Soomaaliya ayaa uga mahadcelisay Kenya kaalinta ay ku leedahay nabad ilaalinta Soomaaliya, gaar ahaan doorka muuqda ee ay ka ciyaartay howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM oo Kenya ay in ka badan 25 sano qayb muhiim ah ka ahayd.
Tallaabada ay qaadeen labada dowladood ee dariska ah ayaa kusoo aadeysa, iyada oo horay ay Kenya u saxday qaladkeeda, kadibna Somaliland ka saartay liiskeedii safaaradaha shisheeye ee ka howl gala gudaha dalka, tallaabaas oo u muuqata in ay ku muujinayso taageerada ay u hayso madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Si kastaba, Go’aankan ayaa yimid kadib markii uu muran dhaliyay dukumeenti kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, kaasi oo ku daray “Jamhuuriyadda Somaliland” liiska safaaradaha ajaanibta, iyadoo lagu qoray booska 20-aad. Tallaabadaas ayaa keentay caro ballaaran oo ka dhalatay gudaha Kenya iyo Soomaaliya, taasoo ku qasbatay wasaaradda inay si degdeg ah u saxdo liiska, isla markaana meesha ka saarto tixraaca Somaliland.