28.2 C
Mogadishu
Saturday, November 8, 2025

Somalia oo shir caalami ah ug qayb-gashay Brazil + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Belem (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ka qeyb-galay shirka COP30 ee isbeddelka cimilada oo ka dhacay magaalada Belem ee dalka Brazil.

Wafdiga Soomaaliya oo ka kooban madaxda dowladda, bulshada rayidka, dhalinyarada, haweenka iyo khubarada Isbeddalka Cimillada, ayaa matalaya codka iyo aragtida Soomaaliya ee ku aaddan la-tacaalidda isbeddelka cimilada iyo xoojinta adkeysiga bulshooyinka ee ay saameeyeen abaaraha iyo nabaadguurka.

Saalax oo khudbad ka jeediyay madasha ayaa adkeeyay baahida loo qabo in tallaabo degdeg ah oo caalami ah la qaado si loo yareeyo saameynta isbeddelka cimilada.

Sidoo kale wuxuu sheegay  in Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka ugu nugul isbeddelka cimilada, islamarkaana ay abaaro soo laab-laabtay ka dhaceen, iyada oo aan qeyb ka ahayn wasakhowga hawada.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka oo hadalkiisa sii wata ayaa carrabaabay qorshaha Soomaaliya ee NDC iyo Qorshaha La-qabsiga Cimilada, oo qayb ka ah Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025–2029), kaas oo diiradda saaraya afar qodob: la-qabsiga, maalgelinta cimilada, khasaaraha iyo magdhowga, iyo isbeddelka tamarta nadiifta ah.

Wadaa kale oo uu la wadaagay shirka sida ay muhiim u tahay in la iska kaashado la tacaalidda iyo wax ka qabashada khasaaraha isbeddelka cimilada.

Dhankooda, madaxda kala duwan ee ka qayb-galay shirka COP30 ayaa soo jeediyay in la qaado tallaabo degdeg ah oo caalami ah, si loo yareeyo saameynta isbeddelka cimilada ee adduunka.

Si kastaba, Ka qaybgalka Soomaaliya ee COP30 wuxuu muujinayaa sida dalka ugu heellan yahay Wax-ka qabashada Isbeddalka Cimillada, ka qaybgalka doodaha caalamiga ah, iyo raadinta xalal waara oo wax ka qabta caqabadaha cimilada.

- Advertisement -

Read more

Local News