28.5 C
Mogadishu
Thursday, January 1, 2026

SOOMAALIYA oo xaqiijisay guul wayn kadib codeyn maanta ka dhacday Geneva

Bookmark
Bookmarked

Share

Geneva (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale xaqiijisay guul taariikhi ah, kadib kulan muhiim ah iyo codeyn maanta ka dhacday maaalada Geneva ee caasimada dalka Switzerland.

Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta si rasmi ah u meel mariyey qaraar muhiim ah, oo Soomaaliya ay kula soo wareegeyso maareynta Madaxa Bannaan iyo waajibaadkeeda Qaran ee Arrimaha Xuquuqul Insaanka, kaasi oo Soomaaliya ka maqneyd  tan iyo 1993-dii.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Dowladda Federaalka guushaan oo ah mid wayn ayaa ku timid dadaal dheeraad ah oo ay sameysay Soomaaliya.

Sidoo kale guushan ayaa meesha ka saareysa soo magacaabista qabiirka Xuquuqul Insaanka, oo dalkeenna loo soo magacaabi jiray labadii sanadoodba mar.

“Guusha taariikhiga ah ee Soomaaliya ka gaartay kulankii loogu codeeyey ee ka dhacay magaalada Geneva, Switzerland, ayaa meesha ka saareysa soo magacaabista qabiirka Xuquuqul Insaanka, oo dalkeenna loo soo magacaabi jiray labadii sanadoodba mar” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Guushaan ayaa qeyb ka ah guulaha isdaba-joogga ah ee Soomaaliya ka gaartay fagaareyaasha caalamka, iyadoo horey ay Soomaaliya ugu guuleysatay qaadista cunaqabateyntii hubka iyo deyn-cafinta”.

Ugu dambeyn Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, oo hogaamineysa wafdiga Soomaaliya ee ku sugan magaalada Geneva, ayaa tallaabadan ku tilmaantay guul weyn oo u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed, waxayna dirtay hambalyo guud, maadaama ay hoggaamisay guushan wayn.

Horay Soomaaliya ayaa u xaqiijisay guulo waa wayn, oo ay kamid tahay ku guuleysiga kursiga aan joogtada aheynd ee Qaramada Midoobay iyo ku biirista dalladda bulshada bariga Afrika ee EAC.

- Advertisement -

Read more

Local News