25.4 C
Mogadishu
Tuesday, October 7, 2025

Daawo: “Soomaaliya waxay u baahan tahay wixii ka dhacay Nepal oo kale,” waxaa yiri…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee ururrada bulshada rayidka ah Mudane Diini Maxamed Diini oo ka qayb-galay kulan uu soo qaban qaabiyay Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Sheekh Shariif, loogana hadlayay dardargelinta dibadbaxa ay iclaamiyeen mucaaradka ayaa ka hadlay xaaladda Muqdisho iyo barakicinta shacabka.

Diini ayaa marka hore shaaca ka qaaday in Soomaaliya ay u baahantay kacdoon lamid ah midkii ka dhacay dalka Nepal, kaas oo ay sameeyeen dhalinyarada dalkaasi, isla markaana horseeday isbeddal deg-deg ah.

Ninkan ayaa ku taliyay in lagu bannaanbaxo, isla markaana la canaanto madaxda dalka, si wax looga qabto dhibaatada ka dhalatay ‘dhul boobka’ iyo barakicinta shacabka caasimada.

“Soomaaliya waxey u baahan tahay wixii ka dhacay Nepal oo kale wixii dalkaas ka dhacay waa daawateen ayaan filaa, haddaba kuwa sheeganaya inay idin metalaan waxey mudan yihiin in Dacas lala dhaco”, ayuu yiri Guddoomiyihii hore ee Ururrada Bulshada Rayidka.

Sidoo kale wuxuu intaas ku sii daray “Ninka mas’uulka kuu ah waa in la canaanto oo lala xisaabtamo laga bilaabo Madaxweyne Xasan Sheekh waa shaqaale shacabka u shaqeeya”.

Waxaa kale oo jawaab uu siiyay Madaxweynaha oo dhawaan jeediyay hadallo ka dhan ah siyaasiyiita mucaaradka ee dibadbaxa ka abaabulaya magaalada Muqdisho.

Diini Maxamed Diini oo hadalkiis sii wata ayaa dadka reer Muqdisho ugu baaqay inay si buuxda uga soo qayb-galaan banaanbaxa la filayo in Khamiista uu ka dhaco caasimada.

“In Madaxweynaha uu maanta ku jawaabo faqri waa noolaan jiray ee sidii ay barigii hore u noolaan jireen ha u noolaadeen xaq maaha, waxaan codsaneynaa in lasoo wado baxo oo laga qayb-galo dibad-baxa nabadeed” ayuu mar kale yiri Mudane Diini Maxamed Diini.

Ujeedka dibadbaxa mucaaradka ayaa ah mid looga soo horjeedo DFS uu hoggaaminayo Xasan Sheekh Maxamuud, gaar ahaan burburinta dhulka danta guud iyo barakcinta shacabka, maadaama inta badan lala wareegay dhulalkii dowladda ee ku yaalay caasimada.

Arrinta dibadbaxa waxaa horay ugu baxay Imaamka, Ugaaska Mudullood iyo guddiga xildhibaannada beelaha Hawiye kuwaas oo horseeday is-afgarad ka gaaro dibna loo dhigo, si loog baaqsado rabshado iyo dhibato ka dhacda gudaha magaalada Muqdisho.

Waxaa xilligaas la isku raacay in bannaanbaxu uu yahay mid dastuuri ah, islamarkaana uu qabsoomi doono muddo 9 maalmood gudahood, oo kusoo aadeysa maalinta Khamiista ah.

- Advertisement -

Read more

Local News