Somalia weligeed sooma marin DOWLAD midda hadda jirta ka been badan

Diinta islaamka waxay aad uga hadashay dambiyada laga dhaxlo beenta, markii aad tahayna hogaamiyo kuma sii jirto ha yeeshee madaxda DF-ka Soomaaliya ee maanta talada haaya waxay si cad oo aan xishood laheyn maalin walba u sheegaan been iyo baahinta xog qaldan oo marin habaabin ah.

Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Muqdisho ayaa aad uga hadalaya hadaladii ugu dambeeyay ee ka soo baxay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre ee ahaa in Dowladda ay markasta bixiso mushaarka Ciidamada waxaana shacabka muqdisho ay magacyo u bixiyeen Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyrre .

Raysal Wasaare Xasan Cali Kheyrre, hada Muqdisho waxaa looga yaqaanaa, (Beenaale Kheyre), waxayna dadka Muqdisho kuu sheegayaan in aadnan marna rumaysan hadalka Raysal Wasaaraha Soomaaliya.

Sidoo kale shacabka Magaalada Muqdisho ayaa wasiirada qaar u bixiyay Ilmaha Kheyre kadib markii ay ka been sheegayn ciidamadii Soomaaliyeed oo gaajaysan halkii ay is bar-bar taagi lahaayeen ciidamada wajahaya dhibaatada daran.

Inkastoo ciidamada Soomaaliya ay u soo dhabar adeegayn waayo iyo daruufo xanuun badan hadane waxay kuu sheegayaan in ay uga sii dhib badan tahay beenta ay maalin kasta Dowladda Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ka sheegto ciidamada gaajaysan iyo dhibaatooyinka kalane wajahayaan.

Madaxda sare ka sokow, waxaa ciidamada intaas u dheer aflgaadada wasiirada. Tusaale, wasiirka maaliyadda ayaa ciidamada mushaharka ka maqan yahay ku tilmaamay inay tuugo yihiin oo ay barteen laba mushahar.

W/Q: Safiya Cabdullaahi Garaad
Muqdisho, Soomaaliya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid