25.2 C
Mogadishu
Thursday, October 23, 2025

SOMALILAND oo isku xirtay wada-hadallada DF Somalia iyo dhismaha SSC-Khaatumo

Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) oo khudbad ka jeediyay magaalada Hargeysa ayaa si adag uga hadlay dhismaha maamul-goboleedka SSC-Khaatumo ee haatan ka scoda Laascaanood isaga oo dhinaca kalena soo hadal qaaday wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland.

Cirro ayaa marka hore cambaareeyay qorshaha dowladda federaalka ee maamul u dhisidda gobollada Sool iy Sanaaag, waxaana uu tilmaamay in aanay aqbali doonin maamulka haatan laga abaabulayo bariga Sool.

Sidoo kale wuxuu isku xiray wada-hadallada iyo arrinta dhismaha maamulkaasi, isaga oo shaaca ka qaaday in Somaliland aanay wada-hadal la geli doonin dowladda federaalka Soomaaliya, inta ay ku howlan tahay dhismaha maamul ka madax banaan Somaliland.

“Soomaaliya ma wada-hadli karno, wada-hadalna Somaliland lama galeyso, iyadoo qayb Somaliland kamid ah ka baabuleyso maamul kale. Waxaanu nahay qaran nabadda jecel, laakiin Somaliland way awoodaa in ay difaacdo dhulkeeda iyo dadkeeda” ayuu yiri Cirro.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan dowladda Soomaaliya ay danayneyso inay dib u bilowdaan wada-hadallada labada dhinac, oo noqday kuwo aan natiijo laga gaarin.

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda xukuumadda Soomaaliya, Cali Balcad ayaa sheegay in istaraatiijiyadda dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay tahay inay iska dhex xaliso dhibaatooyinkeeda gudaha, taas oo qayb ka tahay Somaliland, oo iyadu ku dooda inay tahay dal ka madax-bannaan Jamhuuriyadda Soomaaliya.

“Gobolkaasi waa mid ka mid ah gobollada Soomaaliya. Istaraatiijiyaddeenna annagoo ah xukuumadda Federaalka Soomaaliya waa inaan iska dhex xallino dhibaatooyinkeena gudaha,” ayuu yiri Wasiir Balcad.

Cali Balcad ayaa sidoo kale muujiyay sida ay Dowladda Federaalka diyaar ugu tahay cid kasta oo ka caawinaysa arrintaasi, “Haddii ay jirto cid kale oo doonaysa inay naga caawiso dhankaas (wada-hadallada), waan soo dhoweyneynaa.”

Si kastaba, Somaliland iyo Soomaaliya ayaa si weyn u sii kala fogaaday kadib heshiiskii Somaliland ay la gaartay Itoobiya, kaasi oo Hargeysa ay sheegtay inay aqoonsi uga beddelanayso Addis Ababa marin badeed.

- Advertisement -

Read more

Local News