25.9 C
Mogadishu
Tuesday, October 7, 2025

Somaliland iyo Puntland oo si weyn isku qabtay kadib heshiiskii Nairobi – Maxaa dhacay?

Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Maamullada Puntland iyo Somaliland ayaa isku qabtay fasiraadsa heshiiskii ay shalay ku gaareen magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Labada maamul ayaa isku fahmi waayay in heshiiska loo muujiyo mid ka dhan ah maamulka cusub ee Waqooyi Bari, maadaama ay Somaliland weli ku taameyso soo celinta Laascaanood.

Somaliland ayaa kadib heshiiska sii deysay in is-afgaradkaasi uu qeyb ka yahay iskaashi dagaal oo ka dhan ah maamulka Waqooyi Bari. Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland, Maxamed Yuusuf oo la hadlay BBC ayaa sheegay in Puntland iska kaashaan doonaan dagaalka maamulka Waqooyi Bari.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in xudduudaha Somaliland yihiin kuwii u dhexeeyay Ingiriiska iyo Talyaaniga oo ah fasiraad sababtay dagaalkii 2023 ka dhacay Laascaanood.

“Dowladda Somaliland waa meel la wada yaqaano, waana xad la yaqaano. Puntland waxaan ka wada-hadalnay oo meesha laga saaraya waa xuduudaha sameyska ah ee lasoo dhex galiyay ee maamulka (Waqooyi Bari) oo iyaguna ogoleyn, oo anaguna aan ogoleyn,” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland.

Waxa uu intaas kusii darqy “Duruufo badan oo aan wadaagno ayaa jiro oo kamid ah mushkiladaas dowladda Soomaaliya ka dhex abuurtay Somaliland iyo Puntland ee maamulka ku sheegtay iyo cadowyada dibadeed ee la dagaalamaan Puntland si aysan usoo talaabin dhinaca Somaliland, marka iskaashigu kaas ayuu u daaran yahay.”

Wasiirka ayaa muujiyay in labada maamul ay maamulka cusub ee Waqooyi Bari u arkaan mushkilad ay ku dhex abuurtay Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayna iska kaashanayaan sidii looga hortagi lahaa qorshayaasha halkaasi laga abaabulayo.

Kadib hadalka wasiirka, maamulka Puntland ayaa dhankeeda beenisay in Somaliland ay ka wada shaqeynayaan wiiqista Waqooyi Bari, balse ay iska kaashanayaan dagaalka kooxaha argagixisada ee Al-Shabaab iyo Daacish.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland, Cabdi Faarax Siciid Juxaa ayaa si cad u sheegay in heshiiska is-afgarad uusan ka dhan ahayn maamulka Waqooyi Bari.

“Waxa aannu ka wada-hadalnay la-dagaalka argagixisada, nabadda Ceerigaabo, isu socodka iyo ganacsiga,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland.

Waxa uu intaas kusii daray “Arrinta Laascaanoodna ka ma mid ahayn wada-hadalkeena. Calmiskaad Daacish baan ku dagaallamaynaa, Calmadow-na Al-Shabaab baa joogta, waana dhinaca Somaliland.”

Si kastaba, heshiiska Nairobi ayaa ahaa mid taariikhi ah oo ay gaaraan maamullada Puntland iyo Jubaland. Labada maamul ayaa ku heshiiyey inay xoojiyaan iskaashiga amniga, nabadda iyo horumarinta bulshada.

Shirkan oo ay ka qayb-galeen wasiirro iyo saraakiil sare oo ka kala socday labada dhinac ayaa lagu falanqeeyay xaaladda amni, dhaqaale iyo siyaasadeed ee guud ahaan Geeska Afrika, gaar ahaan sida loo xoojin karo wada-shaqeynta hay’adaha amniga iyo iskaashiga dhinacyada la-dagaalanka argagixisada.

Bayaanka ayaa sidoo kale xusay in labada dhinac ay isla qaateen in la xoojiyo iskaashiga amniga badda, iyadoo diiradda la saarayo la-dagaalanka dambiyada badda iyo tahriibka.

Waxaa lagu heshiiyey in la dhiso guddiyo amni oo wadajir ah si loo xaqiijiyo bad-qabashada iyo isu-socodka maraakiibta ganacsiga ee dhex-marta xeebaha labada maamul.

Maamullada Puntland iyo Somaliland ayaa si weyn iskugu soo dhawaaday kadib markii ay dowladda federaalka u dhaqaaqday dhismaha maamulka Waqooyi Bari, oo ay u aragto maamul ay uga adkaan karto maamulka uu hoggaamiyo Saciid Deni, oo muddo uu ka dhaxeeyay khilaaf siyaasadeed xooggan.

Heshiiska Nairobi ayaa haatan xoojinaya cilaaqaadka Somaliland iyo Puntland, iyadoo labada maamul ay isla qaateen muhiimadda ay leedahay in si buuxda loo soo afjaro colaadihii ka dhacay Ceerigaabo iyo deegaannada hoos yimaada, lana fududeeyo dib-u-celinta dadka barakacay, iyadoo dadka deegaanka loogu baaqay ka qeyb qaadashada dadaallada lagu xoojinayo deganaanshaha.

Mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa sidoo kale ku heshiiyey in la xoojiyo isu-socodka bulshada iyo ganacsiga, lana hirgeliyo kaabayaal dhaqaale oo kor u qaada xiriirka ganacsi ee labada dhinac.

- Advertisement -

Read more

Local News