26.9 C
Mogadishu
Monday, November 3, 2025

SOMALILAND oo amar deg-deg ah soo saartay kadib digniintii kasoo baxday DF

Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa go’aanno deg-deg ah soo saaray kadib digniintii kasoo baxday Dowladda Federaalka Soomaaliya ee la xiriirtay in shirkadaha diyaaradaha caalamiga ah ee tegaya magaalada Hargeysa aysan qaadi karin rakaab aan sidan dal-ku-galka elektaroonig ah ee e-Visa.

Wasaaradda Duulista iyo Horumarinta Madaarrada Somaliland ayaa soo saartay in aanay hawadeeda soo geli karin diyaarad aan fasax ka haysan, iyadoo wasaaraddu soo bandhigtay nidaamka iyo waxyaabaha looga baahan yahay diyaaradaha kala duwan.

Wasaaradda ayaa digniin ka bixisay in duulimaad kasta oo ogolaansho la’aan gala hawada Somaliland uu noqonayo mid jabinaya qaranimada Somaliland, isla markaana laga qaadi doono tallaabo sharci ah, sida lagu yiri qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Duulista Hawada.

Habraacan cusub ee Somaliland shaacisay ayuu maamulka uga hortagayaa go’aannada kasoo baxay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo iyadu maanta shirkadaha diyaaradaha ugu goodisey in ay mamnuucayso, haddii ay soo qaadan rakaab aan sidan dal-ku-gal elektaroonig ah (e-Visa), kaasi oo looga baahan yahay rakaabka u safraya Soomaaliya oo idil oo ay ku jirto Somaliland.

Hay’adda ayaa sheegtay in ay ogaatay in dhawaan rakaab ay Flydubai u soo qaaday Hargeysa aanay helin fiisaha online-ka ee dowladda Soomaaliya ee loo yaqaano e-Visa ka hor inta aanay u safrin garoomada Somaliland.

Arintan ayey sheegtay in ay tahay mid aan waafaqsanayn shuruucda duulista iyo socdaalka ee Soomaaliya, isla markaana ay si badheedh ah wax ugu dhimayso ilaalinta xuduudaha iyo habraaca amniga qaranka ee dalka.

“Hay’adda Duulista (SCAA) waxay si rasmi ah u soo saartay ogeysiis iyo amar ku saabsan in si degdeg ah looga dhaqan geliyo habraacyo adag oo hubin ah dhammaan goobaha ay rakaabku ka dhoofaan. Waa in si gaar ah loo hubiyaa in dhammaan rakaabka u socda Hargeysa ay haystaan e-visada Soomaaliya ka hor inta aanay safrin.”

Hay’adda ayaa ku hanjabtay in shirkada duulimaadyada ee u hogaansami waaya arrintaan ay kusoo rogi doonto ganaaxyo maaliyadeed, iyo in la joojiyo duulimaadyadooda gudaha Soomaaliya.

Tan ayaa caqabad hor leh ku noqonaya shirkadaha diyaaradaha oo ayagu wajahay awaamiir is-khilaafsan oo uga imanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ee ku dooda inuu yahay dal ka madax-banaan Soomaaliya.

Hoos ka aqriso nuxurka qoraalka kasoo baxay Somaliland:

Wasaaradda Duulista iyo Horumarinta Madaarrada Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay soo saartay amar cusub oo dhaqan gelaya 10-ka bishan Noofambar 2025, kaas oo jidaynaya isla markaana faraya dhammaan diyaaradaha rayidka ah, kuwa ganacsiga, jidwalka qorshaysan ku yimaada iyo kuwa aan jadwalka lahayn inay helaan ogolaansho hore ka hor inta aanay soo gelin gelin ama marin hawada Jamhuuriyadda Somaliland.

Go’aankan oo waafaqsan Heshiiskii Chicago ee 1944kii, waxa uu bayaaminayaa madaxbannaanida buuxda ee Somaliland ay ku leedahay dhulkeeda, baddeeda iyo hawadeedaba.

Waxyaabaha ku jira awaamiirta cusub ee Wasaaradda Duulistu soo saartay waxa ka mid ah:

  • In la hubiyo amniga iyo nidaamka duulista, iyadoo la dabaqayo heerarka Hay’adda ICAO.
  • In la xoojiyo maareynta taraafikada hawada, saadaasha iyo macluumaadka duulista.
  • In la hagaajiyo gurmadka degdegga ah, farsamada degitaanka iyo hawlaha garoomada Hargeysa iyo Berbera.

Wasaaradda Duulistu waxay digniin ka bixisay in duulimaad kasta oo ogolaansho la’aan gala hawada Somaliland uu noqonayo mid jabinaya qaranimada JSL, isla markaana laga qaadi doono tallaabo sharci ah.

Wasaaraddu waxay xaqiijisay inay ka go’an tahay duulista ammaan ah iyo wada-shaqayn caalami ah oo ay la yeelanayso shirkadaha diyaaradaha iyo dalalka diyaaradahoodu yimaadaan Jamhuuriyadda Somaliland.

- Advertisement -

Read more

Local News