Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa Khamiista si adag u beeniyay wararka sheegaya inay ogolaadeen in dhulkooda la dejiyo qaxooti Falastiiniyiin ah ama ay saldhig ciidan siiyaan Isra’iil, taas beddelkeedana ay ku heleen aqoonsiga Tel Aviv, eedeymahaas oo ay ku tilmaameen kuwo aan sal iyo raad toona lahayn.
Arrintan ayaa imaanaysa xilli Isra’iil ay todobaadkii hore noqotay dalkii ugu horreeyay ee Somaliland u aqoonsada “dowlad madax-bannaan oo leh qaranimo,” tallaabadaas oo dhalisay dibadbaxyo ka dhacay gudaha Soomaaliya.
Maalintii Arbacada, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo soo xiganaya warbixino sirdoon, ayaa u sheegay telefishinka Al-Jazeera in Somaliland ay aqbashay saddex shuruudood oo kaga yimid Isra’iil: dejinta Falastiiniyiinta, dhismaha saldhig ciidan oo laga sameeyo Gacanka Cadmeed, iyo inay ku biirto heshiiska Abraham Accords si loo caadiyeeyo xiriirka Isra’iil.
“Xogta hoose ee aan hayno waxay sheegaysaa saddex qodob oo muhiim ah in ay ku heshiiyeen; qodobka koowaad waa in Falastiiniyiinta loo soo raro Somaliland, qodobka labaadna waa in Israa’iil saldhig militari ka samaysato Gacanka Cadmeed, qorshaha saddexaadna waa in Somaliland qayb ka noqoto dowladaha ku jira heshiiska Abraham. Kuwani waa saddexda dalab ee Israa’iil ee Somaliland aqbashay,” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya oo u warramayey TV-ga Al-Jazeera.
Hase yeeshee, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somaliland ayaa beenisay labada qodob ee hore.
“Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxay si adag u diidaysaa sheegashooyinka beenta ah ee uu sameeyay Madaxweynaha Soomaaliya, kuwaas oo ku saabsan dejinta Falastiiniyiinta ama dhismaha saldhigyo ciidan oo laga sameeyo Somaliland,” ayay wasaaraddu ku tiri bayaan ay soo dhigtay barta ‘X’.
Waxay intaas ku dartay in heshiisku uu ahaa mid “gabi ahaanba diblumaasiyadeed.”
“Eedeymahan sal la’aanta ah waxaa loogu talagalay in lagu marin habaabiyo beesha caalamka, laguna wiiqo horumarka diblomaasiyadeed ee Somaliland,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Dhinaca kale, falanqeeyayaasha ayaa aaminsan in isbaheysi lala yeesho Somaliland uu faa’iido gaar ah u leeyahay Isra’iil sababo la xiriira goobta istiraatiijiga ah ee ay ku taallo oo u dhow Marinka Baab-al-Mandab. Marinkan ayaa u dhow Xuutiyiinta Yemen ee ay Iran taageerto, kuwaas oo dhowr jeer weeraray Isra’iil tan iyo markii uu bilowday dagaalka Gaza.

