24.4 C
Mogadishu
Thursday, February 12, 2026

Somaliland oo cadeysay sababta ay u diiday in…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa markii ugu horeysay ka hadlay sababta ay uga baaqden shirka ka socda magaalada Istanbuul ee xarunta dalka Turkiga.

Maamulka waxa uu sheegay in shirka ka socda Istanbuul uu yahay mid u dhexeeya Walaalaha Somalia, balse uusan aheyn mid iyaga khuseeya.

Axmed Aadan Ismaaciil oo ah wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda maamulka Somaliland oo magaalada Hargeysa kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Somaliland aysan meel uga banaaneyn ka qeybgalka shirka, waxa uuna tilmaamay in Somaliland ay bari hore ka go’day Somalia inteeda kale.

“Anaga bari hore ayaan ka go’nay Somalia, shirka waxa uu khuseeya Soomaalida, waayo ajandaha shirka maaha mid raali ay ku tahay Somaliland”

”Somaliland go’aan ayay ka gaartay in Somalia ay mar kale la fadhiisato kursi, waxaa noo muuqda madaxbanaanideena”
Haddalka wasir ku-xigeenku wuxuu kusoo beegmayaa xili Somaliland iyo Puntland aysan ka qeybgalin shirka Istanbuul.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News