25.7 C
Mogadishu
Tuesday, October 21, 2025

Somaliland oo faafin deg-deg ah soo saartay kadib doorashadii Waqooyi Bari

Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) – Xisbiga mucaaradka Kaah ee Somaliland oo faafin deg-deg ah soo saaray ayaa si adag uga hadlay doorashadii maanta ka dhacday magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, taas oo lagu soo doortay madaxweyne Cabdulqaadir Axmed Aw-cali (Firdhiye) iyo ku xigeenkiisa Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.

Xisbigan oo uu hoggaamiyo Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa shaaca ka qaaday in wixii maanta ka dhacay Laascaanood iyo raggii hadlay ay xambaarsanaayeen colaad abuur iyo abaabulka dagaal sokeeye oo mar kale ka qarxa Sool.

Maxamuud Xaashi ayaa sidoo kale arrintan ku eedeeyay inuu ka dambeeyo Madaxweyne Xasan Sheekh, isaga oo tilmaamay inuu wado damac gurracan, sida uu hadalka u dhigay.

“Faafin Degdeg Ah: Hadallada maanta ka soo baxayey raggii ka hadlayey madashii Laascaannood, waxay ahaayeen kuwo xambaarsan colaad abuur iyo abaabul dagaal sukeeye. Nasiibdarro, dareenkaasi ma aha mid u adeegaya danaha dadka ehelka iyo ood-wadaagta ah ee isu baahan. Hase yeeshee, waa mid dabada ku haya damac gurracan iyo arragti deyaysan oo loogu danaynayo maamulka taagta darran ee Xasan Sheekh” ayuu qoraalkiisa ku yiri guddoomiyaha Xisbiga Kaah ee maamulka Somaliland.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in bariga iyo Sanaag-ba ay ka tirsan yihiin dhulka Somaliland, ayna haboon tahay in laga joogsado, isaga oo sheegay in wixii tabasho ah lagu xallin karo wada-hadal.

“Sanaag iyo Sool Bari waa dhul ka tirsan soohdinta sharciga ah ee JSL. Sidaa darteed, waxaa habboon in xurgufaha iyo khilaafka jira lagu xalliyo wadahadal iyo garnaqsi walaalnimo” ayuu mar kale yiri guddoomiyuhu

Waxaa kae oo uu sii raaciyay” waxa aan far waaweyn ku dhigayaa in Ceerigaabo aannay u baahnayn colaad loo soo raro, balse ay baahan tahay caano iyo cawo-bari nabadeed. Ragga soo bu’aya ee ku baaqaya colaadda waxaan leeyahay: waar hooy nimaan idiin furi doonin yaanuu idiin rarin, lama huraanna waa caws jiilaal. Ugu danbayntii, waxaan leeyahay Ceerigaabo ma aha jabbad cusub ee waa tii shalay, dadka reer Ceerigaabo na ma aha soo guurto balse waa kuwii shalay iyo doraad ba jaangoynayey masiirkeeda, ee yaan loo deymo la’aan”.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo maanta Laascaanood ay ka dhacday doorasho taariikhi ah oo lagu soo doortay hoggaanka sare ee maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya.

Maamulkan cusub ayaa ah natiijo toos ah oo ka dhalatay colaad dhiig badani ku daatay, taas oo marxaladdo kala duwan soo martay, ugu dambeyntiina dhashay maamulka Waqooyi Bari oo maanta la dhameystiray, kaas oo ka talin doono Sool, Sanaag iyo Todheer.

- Advertisement -

Read more

Local News