Hargeysa (Caasimada Online) โ Xukuumadda Somaliland ayaa u yeertay diblomaasiga ugu sarreeya ee Turkey u fadhiya Hargeysa, iyadoo ku eedeysay Ankara “faragelin iyo falal xasillooni-darro abuuraya” kaddib kulan ka dhacay Muqdisho oo ay sheegtay inuu meel-ka-dhac ku yahay madax-bannaanideeda.
War-saxaafadeed ku taariikhaysan 18-ka August 2025, ayay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ku sheegtay inay u wacday Qunsulka Guud ee Turkey si ay uga dalbato “warbixin rasmi ah oo degdeg ah.” Tallaabadan ayaa daba socotay warar sheegaya in safiirka Turkey ee Soomaaliya uu la kulmay shakhsi ay Hargeysa ku tilmaantay inuu cadow ku yahay Somaliland.
“Dowladda Somaliland waxay falkan u aragtaa mid aad looga walaaco oo aan la aqbali karin,” ayaa lagu yiri bayaanka wasaaradda. “Wuxuu dhaawacayaa is-ixtiraamka labada dhinac, wuxuuna gacan ka geysanayaa xasillooni-darrada Geeska Afrika.” War-saxaafadeedka ayaa ku digay in Somaliland “aysan u dulqaadan doonin falal wax u dhimaya madax-bannaanideeda, amnigeeda, ama danaha qarankeeda.”
In kasta oo aysan masโuuliyiintu magacaabin shakhsigaas, haddana waxay ku nuuxnuuxsadeen in kulammada ka dhaca Muqdisho ee la xiriira arrimaha Somaliland ay yihiin faragelin toos ah. Turkey waa xulufo muhiim ah oo ay leedahay dowladda federaalka Soomaaliya, oo si cad uga soo horjeedda hanka madax-bannaanida ee Somaliland.
Ankara weli kama aysan hadlin arrintan si fagaare ah.
Turkey waxa uu maalgelin ballaaran ku samaynayay Soomaaliya in ka badan toban sano, isagoo bixinayay gargaar biniโaadannimo, taageero dhaqaale, iyo tababarro ciidan. Saldhiggiisa Camp TURKSOM oo u dhow Muqdisho, ahna kan ugu weyn ee uu ku leeyahay dalka dibaddiisa, ayaa tababaray qayb lixaad leh oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeedโtaas oo Ankara ka dhigtay tiir udub-dhexaad u ah xasilloonida Soomaaliya, balse cakirtay xiriirka ay la leedahay Somaliland.
Somaliland, oo hore u ahaan jirtay maxmiyad Ingiriis, waxay ku dhawaaqday inay madax-bannaan ka noqotay Soomaaliya sanadkii 1991-kii kaddib burburkii dowladdii dhexe. Laakiin in kasta oo ay iskeed u taagnayd in ka badan soddon sano, ma jiro hal waddan oo si rasmi ah u aqoonsaday madax-bannaanideeda.
Aqoonsi laโaantaasโoo ay weheliso xiriirka dhow ee ka dhexeeya Turkey iyo Muqdishoโayaa sii hurinaysa walaaca iyo cadhada Hargeysa. Xiisaddan ugu dambeysay waxay sii kordhisay xaaladda kacsan ee Geeska Afrika.
Wabar iyo safarkiisa Muqdisho
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, ayaa muujiyay mowqifka xukuumadda ee ku aaddan in Safiirka Turkiga ee Soomaaliya uu qaabilo Suldaan Abuubakar Wabar, oo hore jabhad hubeysan uga sameeyay gudaha Somaliland, gaar ahaan gobolka Awdal.
Ninkan ay sida weyn uga qeylisay Somaliland ayaa ka mid ahaa salaadiinta dhaqanka ee gobolka Awdal, wuxuuna dhowr jeer horkacay weeraro hubeysan oo ka dhacay Boorama.
Suldaan Wabar ayaa maalmo ka hor safar aan la shaacin ku tegay magaalada Muqdisho, isagoo halkaasi kula kulmay madaxda sare ee Soomaaliya. Wabar ayaa kulan gaar ah la qaatay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi.
Fiqi oo bartiisa X (ex-Twitter) ku baahiyay sawir uu kula jiro Suldaan Wabar ayaa si cad u sheegay in la gaaray waqtigii Awdal ka goโi lahayd Somaliland.
โWakhtigii Awdal ayaa la gaaray,” ayuu Fiqi ku yiri qoraalka. Hadalkan ayaa dad badan u fasireen in Dowladda Federaalka Soomaaliya qorshaynayso qorshe lagu kala fogeynayo reer Awdal iyo Somaliland, si halkaasi uga hanaqaado maamul sanado badan ku jiray dibad-wareeg ah oo loo yaqaan Awdal State.
Si kastaba ha ahaatee, si dhab ah looma oga qorshaha ka dambeeya in xilligaan uu Safiirka Turkigu qaabilo Suldaan Wabar, oo horey ugu lug yeeshay weeraro jabhadeed oo laga fuliyay gudaha Somaliland, gaar ahaan magaalada Boorama ee gobolka Awdal.
Jabhaddaas oo uu Wabar hoggaaminayay 2015-kii ayaa gebi ahaanba kasoo horjeeday jiritaanka Somaliland. Inkastoo markii dambe ay dagaalyahannadeeda isku dhiibeen maamulka Somaliland, iyadoo Suldaanku uu baxsaday, tan iyo waqtigaas waxaa hoos u dhacay dhaq-dhaqaaqa Awdal State ee gudaha Somaliland.