27.9 C
Mogadishu
Thursday, June 19, 2025

Somaliland oo hakisay qaadkii uga imaan jiray Ethiopia iyo Hargeysa oo maanta ay ka dageen…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) – Diyaarado sida Qaad ayaa waxa ay maanta kasoo dageen Garoonka Diyaaradaha magaalada Hargeysa, kadib markii maamulka uu ka dhabeeyay heshiis ay la galeen dowlada Kenya.

Garoonka ayaa waxaa kasoo caga dhigtay laba diyaaradood oo sida Qaadka Kenya kuwaa oo hakat galiyay Qaadkii Somaliland uga imaan jiray dalka Ethiopia.

Diyaaradaha kasoo baqoolay dalka Kenya ayaa waday Qaadka loo yaqaan Miirooga oo aad looga daneeyo deegaanada maamulka Somaliland.

Hakatka ku imaaday Qaadka Somaliland uga imaan jiray Ethiopia ayaa sabab u noqday isku dhac sababay dhimasho iyo dhaawac oo shalay dhexmaray qowmiyadaha Oromada iyo Soomaalida gudaha dalka Ethiopia.

Magaalada Hargeysa ayaa weerarka kadib laga mamnuucay Qaadka ka imaan jiray Ethiopia, maadaama Ganacsatadii Qaadka ka keeni jirtay dalka Ethiopia aanay soo iibsan wax Qaad ah.

Ganacsatada Qaadka ku iibisa magaalada Hargeysa ayaa sheegay sababta ay u joojiyeen Qaadkii ka imaanayay Ethiopia, ayna u keensadeen Qaadka Kenya in ay tahay, kadib markii Oromada ay dileen dad Soomaali ah.

Si kastaba ha ahaatee, deegaanada maamulka Somaliland ayaa waxaa horay uga mamnuuc ahaa cunista iyo ka ganacsiga Qaadka Miirooga ee laga keeno dalka Kenya.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News