23.5 C
Mogadishu
Monday, February 2, 2026

Somaliland oo ka soo dhex-muuqata faylasha Epstein

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online — Dokumiintiyo horleh oo ay dhawaan baahisay Waaxda Caddaaladda ee dalka Maraykanka, kuwaas oo lala xiriiriyey maalqabeenkii geeriyooday ee loo haystay dembiyada galmada, Jeffrey Epstein, ayaa daboolka ka qaaday xiriir aan hore loo ogeyn oo dhexmaray isaga, shakhsiyaad ku dhow, iyo mas’uuliyiin kale, kuwaas oo ka wada hadlay arrimaha aqoonsiga Somaliland iyo fursado maalgashi oo laga fulin lahaa gobolkaas.

Sida ku cad waraaqaha sirta ah ee la dusiyey, kooxda ku xirneyd Epstein ayaa muddo dheer indhaha ku haysay fursado dhaqaale oo ka jira Somaliland, gaar ahaan dhinacyada dhoofinta biyaha, adeegyada maaliyadeed, iyo mashaariicda warbaahinta.

Dokumiintiyada ugu dambeeyey waxaa ka mid ah iimayl la diray bishii Abriil ee sannadkii 2018-kii—hal sano ka hor intii uusan xabsiga ku dhiman Epstein. Iimaylkaas waxaa diray Suldaan Axmed Bin Sulayem, oo ah Guddoomiyaha iyo Madaxa Fulinta ee shirkadda caalamiga ah ee DP World oo fadhigeedu yahay Dubai.

Suldaan Bin Sulayem ayaa Epstein u diray fayl cinwaankiisu ahaa “Aqoonsiga Somaliland – Taariikh Kooban” (The recognition of Somaliland – a brief history), taas oo muujinaysa in arrinta raadinta aqoonsiga Somaliland ay qayb ka ahayd wadahadallada u dhexeeyey dhinacyadan, iyo sida Imaaraadka ay muddo ugu howlanaayeen.

Qorshihii “Somaliwood” iyo dhoofinta biyaha

Iimaylo kale oo taariikhdoodu ku beegan tahay toban sano ka hor ayaa iftiiminaya damaca ganacsi ee saaxiibada Epstein ay ka lahaayeen khayraadka Somaliland.

Sannadkii 2012-kii, shakhsi isku tilmaamay milkiile shirkad biyo ayaa Epstein u qoray dhambaal uu ku sheegayo inuu jiro “kayd biyo nadiif ah oo baaxad weyn” oo ku dhow magaalada dekedda ah ee Berbera.

Qoraaga ayaa xusay in biyahaas si fudud loogu dhoofin karo suuqyada Sacuudiga, maadaama aysan u baahnayn gaadiid badan, isagoo yiri: “Waa Somaliland mar kale. Ilo biyoodyadii mar hore ayaa la sahamiyey.”

Isla sannadkaas 2012, waxaa soo baxay qorshe kale oo layaab leh oo ku saabsan dhismaha istuudiyo filimada lagu sameeyo oo loogu magac daray “SOMALIWOOD STUDIOS.”

Soo-jeediyaha qorshahan ayaa Epstein u sheegay in dhulka Somaliland, sida xeebaha iyo lamadegaanka, ay yihiin goobo ku habboon duubista filimada. Waxa uu soo jeediyey in lagu casuumo kooxo kala duwan, oo ay ku jiraan Muslimiinta, si ay halkaas filimaan ugu duubaan, iyadoo la ilaalinayo anshaxa deegaanka.

“Waxaan ka dhigi lahayn qayb ka mid ah himilada inaan la ogolaan wax anshax xumo ah,” ayuu qoray shakhsigaas, isagoo intaas raaciyey in barnaamijyada la soo saarayo ay noqon karaan kuwo carruurta Afrikaan ah wax u tara, sida barnaamijka caanka ah ee Sesame Street.

Wuxuu iimaylka ku soo gabagabeeyey inuu Epstein ogeysiinayo maadaama uu isagu u arki karo wax “madadaalo ah.”

Fursadaha maaliyadeed

Dhinaca kale, iimayl la diray 2013 ayaa tixraacay maqaal uu qoray wargeyska Financial Times, kaas oo ka digayay dhibaatooyinka ka dhalan kara haddii bankiga Barclays uu joojiyo adeegga xawaaladaha ee Soomaaliya, oo gobolka Somaliland u uku jiro.

Qoraaga iimaylka ayaa su’aal geliyey sababta ay bankiyada Bariga Dhexe u samayn waayeen nidaam lacag-diris oo u gaar ah qurbajoogta, isagoo arrintaas ku tilmaamay “fursad dhaqaale oo aad u weyn,” maadaama nus ka mid ah dadweynaha labada dhinac ay ku tiirsan yihiin lacagaha dibadda laga soo diro.

Somaliland ayaa u shaqaynaysay sidii maamul madax-bannaan tan iyo markii ay ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya sannadkii 1991-kii, balse weli ma aysan helin aqoonsi caalami ah oo buuxa.

Soo ifbixitaanka xogtan ayaa ku soo beegmaysa xilli xasaasi ah, iyadoo 26-kii December ay Israa’iil ku dhawaaqday inay si rasmi ah u aqoonsatay madax-bannaanida Somaliland—tallaabadaas oo noqonaysa tii ugu horreysay ee nooceeda ah, balse dhalisay cambaarayn xooggan oo kaga timid waddamada gobolka.

- Advertisement -

Read more

Local News