Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in dowlada Britain ay colaad ka dhex abuureyso deegaanada uu ka arimiyo maamulka.
Maamulka ayaa sheegay in Britain ay ka been sheegtay xaalada dhabta ah ee ka jirta Somaliland, kadib markii la baahiyay qoraalo sheegaya in halis amni ay kusoo fool leedahay Somaliland.
Maamulka ayaa sheegay in xaalad amni xumo aysan ka jirin degaanada Somaliland, waxa uuna maamulka si cad u beeniyay digniinaha socdaalka ee kasoo baxay Britain.
Somaliland waxa ay sheegtay in amni buuxa oo la isku haleyn karo uu ka jiro deeganadeeda, isla markaana aysan habooneyn in lala meel dhigo xalad ka taagan dhul kale.
Wasiirka Arrimaha dibadda Maamulka Somaliland Sacad Cali Shirre ayaa sheegay in Dowladda Britain looga baahan yahay in ay ka taxadarto qoraalada ka soo baxaya Safaaradooda.
Waxa uu sidoo kale sheegay in arrin muhiim ah ay tahay in la ixtiraamo Somaliland maadaama ay heysato amni ku filan dadka deegaanka.
Wasiirka waxa uu intaa raciyay in Somaliland ay ka amni badan tahay Britain, maadaama magaalada London ay ka dhacaan falal amni daro oo galaafta nolosha muwaadiniin badan.
Nuqul kamid ah hadalkiisa ayaa ahaa ”Somaliland waxa ay ka amni badan tahay Gobolada Britain waayo deeganadeena kama dhacaan wax dhib ah, balse dalkaas waxaa ka dhaca dhibaatooyin badan”
Si kastaba ha ahaatee, maamulka Somaliland ayaa shacabka ugu baaqay inay dajiyaan xaalada isla markaana ku kalsoonadaan amniga ka jira deegaanada maamulka.
Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]