Somaliland oo lacagihii ka jaratay xisbiyada

Hargeysa (Caasimada Online) –  Guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland, Baashe Maxamed Faarax ayaa sheegay in lacagtii miisaaniyada ugu jirtay xisbiyada Somaliland ay badh kamid ah ka wada jareen saddexda xisbi ee Kulmiye, Waddani iyo Ucid.

Guddoomiye Baashe oo qaar kamid ah warbaahinta la hadlayey ayaa sheegay in lacagta miisaaniyada ugu jirtay xisbiyada ay aheyd lacag badan oo loo baahneyn in xisbiyada la siiyo.

Baashe ayaa sheegay in xisbiyada ay lacago ka helaan taageerayaashooda, markaasina aan loo baahneyn lacagta badan ee miisaaniyada ugu jirta, isla markaasina ay badhkaasi uga jari doonaan Isbitaalada.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in lacagta laga jarayo xisbi walba ay tahay 6,000 oo dollar, midaasi oo lacagta guud ee saddexda xisbi laga jaray ka dhigaysa 18,000 oo dollar, oo uu sheegay inay ugu deeqi doonaan, laguna dabooli doono baahiyaha Isbitaalada.

Waxa sidoo kale uu sheegay Guddoomiye Baashe in golahiisu uu soo jeediyay in miisaaniyadaasi laga jaro lacago xad dhaaf ah oo uu sheegay in Wasaarada arrimaha dibeda u adeegsaneyso ictiraaf raadinta Somaliland.

Baashe ayaa sheegay in lacagtaasi ictiraaf raadinta u qorneyd Wasaarada arrimaha dibeda ay badh kamid ah ay u jaraan guddida arimaha dibeda ee golaha wakiilada Somaliland oo uu sheegay inay iyaguna qeyb ka yihiin ictiraaf raadinta Somaliland.

Hadalkan uu guddoomiyuhu ku sheegay in xisbiyada laga jarayo badh kamid ah lacagihii ay xukuumadu siin jirtay, ayaa ku soo aadaya xili ay xiisad adag ka dhex aloosantahay xisbiyada mucaaridka iyo Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Muuse Biixi.