Addis Ababa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa haatan ka qayb galaya shirweyne muhiim ah oo ka socda magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, iyada oo laga siiyay maqaam weyn oo dowladeed.
Shirka ka socda Addis Ababa, oo ah midka dhalinyarada ee Afrika, ayaa lagu casuumay Somaliland, iyada oo loo maamuusay sida dowlad oo kale, taas oo hadal-heyn dhalisay.
Sidoo kale, calamada Soomaaliya iyo Somaliland ayaa garba siman loo dhigay goobta uu shirka ka socdo, halkaas oo ay yaallaan calamada dalalka Afrika ee ka qayb galaya shirka.
Sawirrada lagu baahiyay baraha bulshada ayaa sidoo kale si weyn u qabsaday internet-ka, taas oo sii xoojisay hadal-heynta ka dhalatay maqaamka sare ee loo sameeyay Somaliland.
Waa markii labaad oo ay arrintan dhacdo, iyada oo dhowaan sidoo kale Imaaraadka Carabta uu dal ugu yeeray Somaliland, taas oo dhalisay carro xoogan. Dhankeeda, dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay qaadeyso tallaabo ay uga jawaabayso arrintaasi.
Imaaraadka Carabta ayaa xilligaas ku casuumay madaxweynaha Somaliland Shirka Dowladaha Adduunka ee Abu Dhabi ka dhacay, iyada oo la siiyay darajada madaxweyne dal. Kadibna, waxaa xigtay in wakaaladda wararka dowladda Imaaraadka ee WAM ay Cirro ugu yeertay “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.”
Tallaabadan ayaa imaneysa xilli Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, uu maanta soo gaaray Muqdisho si uu wadahadallo ula yeesho Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, kuwaas oo diiradda lagu saaray xoojinta dadaallada dib u heshiisiinta ee labada dal.
Xiisad diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa cirka isku shareertay sanadkii hore kadib markii Itoobiya ay heshiis la saxiixatay Somaliland, si ay uga hesho marin badeed.
Hase yeeshee, bishii Janaayo ee sanadkan, labada dal waxay ku dhawaaqeen inay si buuxda u soo celiyeen xiriirkooda diblomaasiyadeed kadib heshiis nabadeed oo ay Turkiga garwadeen ka ahayd bishii hore.