28.9 C
Mogadishu
Wednesday, October 22, 2025

Somaliland oo qaaday tallaabo culus oo ka dhan ah ha’yad ku kacday…

Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska Somaliland ayaa markii ugu horreysay si faah-faahsan uga hadlay xiritaanka Ha’yadda Consilient Limited Company oo maalinnimadii Isniinta ahayd albaabada la’isugu dhuftay, kadib amar culus oo soo baxay.

Warsaxaafadeed uu soo saaray Taliska Booliska ayaa waxaa lagu sheegay inay xiran yihiin maamulka iyo shaqaalaha ha’yadda oo lagu eedeeyay inay ku kaceen arrimo ku lid ah Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland, sida lagu caddeeyay qoraalka.

Booliska ayaa tallaabadan qaaday,markii lagu wargeliyay xogta hay’addan, kagadaal markii baraha bulshada si weyn loogu faafiyay warar ka dhan ah Somaliland.

“Ciidamada Booliska Jamhuuriyadda Somaliland ayaa hawlgal ay sameeyeen maalintii Isniinta ee taariikhdu ahayd 20/10/2025, ku soo qabtay maamulka iyo shaqaalaha Ha’yadda Consilient Limited Company, kadib markii Ciidanka lagu wargeliyay in hay’addu waddo arrimo ku lid ah Qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale, waxaa kiiskan soo farageliyay laanta dambi baarista CID ee Booliska Somaliland, waxayna sheegtay inay xaqiijisay in been abuur ay yihiin wararka la faafiyay, isla markaana ujeedka uu ahaa in lagu sumcad dilo Qarannimada Somaliland.

“Hogaanka Baadhista Dambiyada (CID) ee Ciidanka Booliska JSL, oo sameeyay baadhitaan qoto dheer, waxa uu xaqiijiyay in warkaas uu ahaa been abuur, isla markaana aanay jirin wax barnaamij ah oo noocaas ah oo ay hay’addu qabanaysay” ayaa lasii raaciyar warka.

Waxaa kale oo warsaxaafadeedka lagu yiri “Taliska Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu bulshada u caddaynayaa in wararkaasi yihiin kuwa aan sal iyo raad toona lahayn, isla markaana ay ka mid yihiin barobogaandada lagu marin habaabinayo bulshada”.

Dhanka kale, waxaa haatan soconayo dabagal lagu hayo cidda ka dambeysay falkaasi, gaar ahaan wararka laga faafiyay Somaliland, si wax looga waydiiyo xogaha la baahiyay.

“Ciidamada Booliska JSL waxay wadaan baadhitaan ballaadhan oo lagu ogaanayo cidda ka dambaysay faafinta wararkan been abuurka ah, si sharciga loo horgeeyo” ayaa lagu soo gabagabeeyay warka.

- Advertisement -

Read more

Local News