26.7 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Somaliland oo qeylo dhaan ka keentay arrin ay DF Soomaaliya mar dhow ku guuleysan doonto

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa ka hadlay wararka sheegaya in xiliyada dhow DFS si toos ah loogu wareejin doono maamulka hawada sare ee Somalia.

Axmed Nuur Faahiye oo ah Wasiiru dowlaha Duulista Hawada maamulka Somaliland, ayaa sheegay in aanay jirin cid lagu wareejiyey maamulka hawadda sare ee Somaliland iyo Somalia.

Axmed Nuur waxa uu sheegay in Somaliland aysan aqbali doonin in Hawadeeda laga maamulo magaalada Muqdisho, taasina ay gaf ku noqoneyso jiritaanka Somaliland.

Axmed Nuur waxa uu tilmaamay in maamulka Hawada ay wali ku jirto gacanta hay’adda qaramadda midoobay qeybteeda ICAO, waxa uuna cod dheer ku sheegay in arrinka wareejinta ah ay Somaliland si cad kaga soo horjeedo.

”Mar kale ayaan ku celineynaa hawada Somaliland marnaba lagama maamuli doono Muqdisho caalamkuna arinkaasi waan kala hadli doonaa”

”Dadka Somaliland waxaan u sheegeynaa in qalabka Saadaasha Hawada Metrology ee Muqdisho la geeyay uu yahay qalab loogu talo galay Saadasha Hawada iyo Cimilada, qalabkaa mid la mid ah wuxuu u soo socda oo la keenayaa Madaaradda Somaliland ee Magaalooyinka Hargaysa iyo Berbera dhawaan”

Haddalka Wasiiru dowlaha Duulista Hawada maamulka Somaliland, waxa uu imaanayaa iyadoo maalmo un ka hor magaalada Muqdisho laga soo dajiyay Qalab farabadan oo lagu maamuli doono hawada Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News