26.1 C
Mogadishu
Tuesday, December 30, 2025

Somaliland oo qiratay in uu dhaqan-galay e-visa oo ay joojin weysay amarkii DF

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

London (Caasimada Online) – Somaliland ayaa si dadban u qiratay in nidaamka e-Visa ee ay dowladda federaalka Soomaaliya dhaqan-gelisay uu hadda si dhab ah u shaqaynayo, isla markaana aanay awoodin inay si buuxda u joojiso, inkasta oo ay ku adkaysanayso in fiisahaasi aanu ka shaqaynayn deegaannadeeda.

Wasiirka Duulista iyo Garoomada Somaliland, Fuaad Axmed Nuur, oo BBC la hadlay isagoo booqasho ku jooga Boqortooyada Ingiriiska, ayaa sheegay in weli aan xal sharci ah laga gaarin muranka maamulka hawada ee maamulka Somaliland iyo dowladda federaalka Soomaaliya, isla markaana sidoo kale aan wax heshiis ah laga gaarin qaddiyadda e-Visa.

Wuxuu ku eedeeyay Soomaaliya inay “si khaldan uga faa’iidaysanayso” heshiiskii 2012, isagoo sheegay in Muqdisho ay uga dhigtay mid u sahlaya inay ku muujiso in ay maamusho hawada Somaliland.

Wasiir Fuaad ayaa sheegay in Somaliland ay arrimahaas “sharci ahaan u daba soconayso,” si ay u raacdo waddooyin ay ku muujinayso, sida uu yiri, in Soomaaliya aanay awood sharci ku lahayn Somaliland.

Hase yeeshee, marka la joogo e-Visa, wasiirku wuxuu qirtay in rakaabka la weydiinayo e-Visa, taasoo muujinaysa in nidaamku dhaqan-gal yahay, inkasta oo uu ku dooday in Somaliland aysan aqbalayn.

“Waa sax e-Visa dadka waa la weydiinayaa,” ayuu yiri, balse wuxuu ku celceliyay in Somaliland ay dunida u caddaynayso in fiisaha Soomaaliya aanu ka shaqaynayn Somaliland, isla markaana aan lagu geli karin deegaannada ay maamusho.

Markii la weydiiyay sababta ay Somaliland uga hortegi weyday in shirkadaha diyaaradaha iyo garoomada caalamiga ah ay u hoggaansamaan shuruudda e-Visa, wasiirku wuxuu sheegay in duulimaadyadu ku shaqeeyaan xeerarka caalamiga ah ee ICAO, kuwaas oo oggolaanaya in socdaalaha la weydiiyo “hal fiiso” ama “hal dal ku gal.”

Wuxuu ku tilmaamay e-Visa “isbaaro” ay Muqdisho ku raadinayso sharciyad, isagoo sheegay in Somaliland ay arrintaas la wadaagtay caalamka, islamarkaana ay rumaysan tahay in aanay sii socon doonin.

Dowladda Soomaaliya ayaa horraantii September dhaqan-gelisay nidaamka e-Visa, waxaana si degdeg ah uga dhashay muran siyaasadeed iyo mid farsamo, kaddib markii Somaliland ay ka hortimid.

Sidoo kale muran dhanka hawada ah oo bilowgii 2024 sababay qalqal ku yimid qaar ka mid ah duulimaadyada ayaa hakaday iyada oo aan wax xal rasmi ah la gaarin.

Somaliland ayaa hore u sheegtay inay dacwad ka gudbinayso dowladda Soomaaliya, iyadoo ku eedaysay ku-tagrifal awood iyo maamul hawada ah, halka Soomaaliya ay eedeymahaas ku tilmaantay kuwo aan sal lahayn, kuna adkaysatay in maamulka hawada uu yahay mas’uuliyad u taalla dowladda federaalka.

Sanadka 2025, khilaafka ayaa mar kale soo cusboonaaday kaddib markii shirkadaha sameeya duulimaadyada caalamiga ah ay ku waajibisay rakaabka wata baasaboorrada ajnabiga ah inay wataan e-Visa, taas oo Somaliland ku tilmaantay tallaabo aan sharciyad ku dhisnayn, balse hadda muuqata inay si dhab ah uga dhaqan-gashay hab-socodka safarka.

- Advertisement -

Read more

Local News