Somaliland oo shaacisay arrintii ay u socdeen wafdigii Itoobiya ee Hargeysa yimid

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukumadda Somaliland ayaa markii ugu horreysay ka hadashay ujeedka ay Hargeysa u yimaadeen wafdi ka socday dowladda Itoobiya oo uu hoggaaminayo wasiirka maaliyadda dalkaas Axmed Shide.

Wasiirka warfaafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo la hadlay BBC-da ayaa beeniyey in wafdigaas ay u socdeen qorshe la xiriira imaatinka madaxweyne Farmaajo ee Hargeysa.

Koore ayaa sheegay in wafdiga Axmed Shide aanay wax culays ah ku saarayn xukuumadda Somaliland sidii Farmaajo u iman lahaa magaalada Hargeysa, taasi oo horey ay u diiday Somaliland.

Waxa uu intaas ku daray in aanay jirin wax iska bedelay mawqifka Somaliland ee dhawaan madaxweyne Biixi ka sheegay baarlamaanka.

“Wax allaale wax arrintaa ka jiraa ma jiro. Waxaa cad oo meel looga leexdo lahayn in madaxweynaha Somaliland laba cisho ka hor sheegay mawqifka Somaliland taaggan tahay marka meel wasiir wax ka odhan karo way dhaaftay goleyaasha ayuu madaxweynuhu u sheegay siyaasadda Somaliland halka ay taaggan tahay iyo waxa umadda Somaliland rabto,” ayuu yiri.

Koore ayaa sheegay in ujeedka wafdigaas uu ahaa arrimo ganacsi, gaar ahaan dekedda Berbera oo Itoobiya ay samai kula leedahay DP World iyo dowladda Somaliland, iyo jidka Berbera Corridor.

“Dawladda Somaliland iyo dawladda Itoobiya waxay leeyihiin xidhiidh aad u dhaw oo degaan ahaan iyo dal ahaan aan kala maarmin, waxa laga wada hadlayay danaha guud ee umadda Somaliland iyo Itoobiya u dhexeeya haddii ay tahay ganacsi, DP World iyo Berbera Corridor” ayuu yiri Koore.

Weftiga Itoobiya ayaa la sheegay in uu maanta dib u laabtay magaalada Addis Ababa. Somaliland weli wax war ah kama aysan soo saarin cidda la kulantay wafdiga iyo waxyaabaha ka soo baxay.