Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa shaaciyay in dal ku galka ay bixiso laga heli karo dalal ay sheegtay inay xafiisyada ay ku leedahay dalal dhowr, xilli ay cadaadis xooggan ka wajahayso fiisaha elektarooniga ee dhaqan-gelisay Dowladda Federaalka Soomaaliya.
War-saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Socdaalka iyo Ilaalada Somaliland ayaa lagu sheegay in ajaanibta soo booqaneysa Somaliland ay fiisaha ka heli karaan xafiisyada Somaliland ee ku yaalla dalal ay ka mid yihiin: Kenya, Itoobiya, UK, Maraykanka, Taiwan, Turkiga iyo Jabuuti.
Ciidanka socdaalka iyo ilaalada xudduudaha ayaa sheegay in aan Somaliland lagu soo geli karin fiise ay bixisay Dowladda Federaalka Soomaaliya.
“Fiisayaasha ama oggolaanshaha socdaal ee ay bixiso Soomaaliya lama aqbali doono in lagu soo galo Somaliland. Dukumentiyadaas lagama aqoonsana xuduud kasta oo ku taala Somaliland. Qof kasta oo wata fiiso noocaas ah waa loo diidi doonaa inuu soo galo Somaliland, waxana lagu dabaqi doonaa nidaamka sharciga socdaalka ee qaranka,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka kasoo baxay taliska ciidanka socdaalka Somaliland.
Sidoo kale waxaa lagu sheegay qoraalka in fiisaha ay bixiso Somaliland laga heli karo marka la yimaado garoonka madaarka caalamiga ah ee Hargeysa ama kan Berbera, iyadoo la marayo baaritaanka socdaalka iyo bixinta lacagaha khuseeya.
Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran:
Waaxda Socdaalka iyo Ilaalada Xuduudaha ee Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay ku wargelinaysaa guud ahaan shacabka, shirkadaha duulimaadyada, wakaaladaha socdaalka, safaaradaha, iyo dhammaan dadka u safraya Jamhuuriyadda Somaliland arrimaha soo socda:
Iyadoo lagu duulayo awoodda sharcigu siiyey ciidanka socdaalka sida ku cad Sharciga Socdaalka iyo Ilaalada Xuduudaha (Sharciga Lr. 109/2025), iyadoo la raacayo waajibaadkeeda ku wajahan nidaaminta soo gelitaanka, deganaanshaha, iyo bixitaanka ajaanibta, ciidanka socdaalku waxay caddaynaysaa qodobadan:
1. Fiisayaasha ama oggolaanshaha socdaal ee ay bixiso Soomaaliya lama aqbali doono in lagu soo galo Jamhuuriyadda Somaliland. Dukumentiyadaas lagama aqoonsana xuduud kasta oo ku taala Somaliland. Qof kasta oo wata fiiso noocaas ah waa loo diidi doonaa inuu soo galo dalka, waxana lagu dabaqi doonaa nidaamka sharciga socdaalka ee qaranka.
2. Ajaanibta doonaysa inay booqdaan Somaliland waxay heli karaan:
A. Fiise lagu qaato marka la yimaaddo Garoonka madaarka caalamiga ah ee Hargeysa ama Garoonka Caalamiga ah ee Berbera, iyadoo la marayo baadhitaanka socdaalka iyo bixinta lacagaha khuseeya.
B. Inay codsadaan fiise gelitaan ah oo laga helo Safaaradda, Qunsuliyadda ama Xafiiska Somaliland ee ugu dhow. Xafiisyadan waxay ku yaallaan dalal ay ka mid yihiin: Kenya, Itoobiya, UK, Maraykanka, Taiwan, Turkiga, Jabuuti iyo xarumo kale oo la aqoonsan yahay.
3. Qof kasta oo haysta fiise gelitaan ama fiise deganaansho oo Somaliland ah wuxuu dalka ku soo geli karaa keliya xuduudaha rasmiga ah ee loo asteeyey, wuxuuna mari doonaa baadhitaanka caadiga ah ee socdaalka.
Nidaamkani wuxuu rasmi ah dhaqan-galayaa isla markiiba, waxaannu sii jiri doonaa ilaa wax laga beddelayo ama la laalayo, iyadoo lagu beddelayo nidaam kale oo ka soo baxda hay’adda awoodda u leh.

