25.6 C
Mogadishu
Thursday, October 23, 2025

Somaliland oo shaacisay in dalal dhowr ah ay dhawaan aqoonsan doonaan

Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa shaacisay in dhawaan dalal dhowr ah ay aqoonsan doonaan, halka kuwa kalena ay kor u qaadi doonaan xiriirka diblumaasiyadeed ee la leeyihiin Somaliland.

Mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda Madaxweyne Cirro oo uu kamid yahay Wasiirka Madaxtooyada Somaliland ayaa maanta arrintaan ka sheegay kulan ay xukuumadda la yeelatay saxaafadda iyo ururada bulshada rayidka ah.

Shirarkan ayey ujeeddadoodu ahayd is-xaal waraysi guud iyo in qaybahan muhiimka ah ee bulshada xogo laga siiyo xaaladda maamulka, gaar ahaan arrimaha nabadgelyada iyo arrimaha dibadda oo muddooyinkii u dambeeyey, shaqooyin badani ka qabsoomeen. Gaar ahaan shirka nabadda ee lagu soo afjaray colaaddii walaalaha gobalka Sanaag oo uu madaxweynuhu dadaal xooggan geliyey.

Ururrada bulshada rayidka ah iyo waraahinta oo isugu jirtay warbaahinta dowladda iyo tan gaarka loo leeyahay, ayey mas’uuliyiintani uga warrameen natiijada dadaallada aqoonsi raadiska ah ee madaxweynuhu muddooyinkii u dambeeyey sida aadka ah u dardar-geliyey.

Waxay sheegeen in dalal kala duwan ay si togan uga soo jawaabeen, baaqii codsiga aqoonsiga ee madaxweynuhu 193 dal u diray 17-kii May 2025, iyo dadaallo xooggan oo intii ka dambaysay uu arrintaas geliyey.

Dhawaan ayey sheegeen in la filayo inay ka soo jawaabaan dalalkii ugu horreeyey oo isugu jira, kuwo aqoonsan doona Somaliland, iyo kuwo kor u qaadi doona heerka xidhiidhka diblumaasiyadeed iyo wada-shaqaynta ay la leeyihiin Jamhuuriyadda Somaliland.

Mas’uuliyiintan ayaa warbaahinta iyo ururrada bulshada rayidka ah ka codsaday, in si hagar la’aan ah loogala shaqeeyo sii adkaynta nabadda iyo “in ay noqdaan farriin sidayaal iyo safiirro wadaniyiin ah oo si madax-bannaan uga shaqeeya sidii uu u sii xoogaysan lahaa, sawirka quruxda badan ee Somaliland ku soo jeediyay indhaha caalamka.”

Warbaahinta iyo masuuliyiinta ururrada bulshada ee kulamada gooni-goonida ah ka soo qayb-galay, waxa ay iyaguna dhankooda xukuumadda u soo jeediyey talooyin muhiim u ah guud ahaan danta maamulka iyo si gaar ah arrimaha nabad-gelyada, midnimada bulshada iyo aqoonsi raadinta.

Sidoo kale waxa ay talooyin muhiim ah ka soo jeediyeen hannaanka loo sixi karo wada-shaqaynta iyo iskaashiga xukuumadda iyo waraahinta, loona daweyn karo mad-madowga iyo isfahmi waaga laga yaabo in uu mararka qaarkood soo dhexgalo.

Mas’uuliyiinta ayaa warbaahinta iyo ururrada bulshadaba u sheegay in ay qaadanayaan talada iyo wixii canaan ah ee loo soo jeediyo, iyada oo dhinacyada warbaahinta iyo ururrada bulshada rayidka ahina ballan-qaadeen in ay danta guud si buuxda uga shaqayn doonaan, kuna garabsiin doonaan xukuumadda.

Ugu dambayntiina waxaa la iska qaatay in kulamada noocan ahi ay joogto noqon doonaan, si bulshada iyo xukuumaddu u kala warqaataan, iskulana jaanqaadaan.

Kulankan waxaa dhinaca xukuumadda Somaliland uga qayb-galay wasiirrada wasaaradaha qorshaynta, madaxtooyada iyo warfaafinta, iyo la-taliyaha istaraatijiyadaha ee Madaxweynaha Somaliland.

- Advertisement -

Read more

Local News