Boorama (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa shaacisay in rabshadihii horraantii bishan ka dhacay magaalada Borama ee xarunta gobolka Awdal ay sababeen dhimashada 19 qof iyo dhaawaca 214 kale.
Tirada khasaaraha ayaa lagu soo bandhigay munaasabad uu guddoomiyaha cusub ee gobolka Awdal, Cabdirashiid Xasan Mataan uu xilka kala wareegayay guddoomiyihii hore ee gobolka.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in isku dhacyadii dhexmaray ciidammada ammaanka iyo dhallinyaro mudaharaadaysay ay sababeen khasaare naf iyo maalba leh.
Guddoomiye Mataan ayaa sheegay in 19-ka qof ee dhintay ay 18 ka mid ahi rag ahaayeen, halka mid kalena ay ahayd haweenay. Sidoo kale, wuxuu xusay in 214 qof ee ku dhaawacmay dhacdadaasi, ay 194 ka mid ah ahaayeen dhaawacyo fudud.
Dadka weli isbitaalka jiifa ayuu ku sheegay 22 qof, kuwaas oo 20 ka mid ah ku sugan yihiin Boorama, halka laba kalena lagu daaweynayo Hargeysa.
Waxa uu intaas ku daray in sagaal qof markii hore loo qaaday isbitaallada Hargeysa, balse toddoba ka mid ah ay xukuumaddu u dirtay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya si loogu sii daweeyo, isaga oo tilmaamay in xaaladda guud ee dhaawacyadu ay soo hagaagayso.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Cabdalle Maxamed Carab oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in magaalada Boorama iyo guud ahaan gobolka Awdal uu ka mid yahay gobollada ugu nabdoon Somaliland.
Waxa uu tilmaanay in dhacdadii keentay dhimashada iyo dhaawaca aanay ahayn mid si ula kac ah loo qorsheeyay, balse ay ahayd arrin lama filaan ah oo dhalisay khasaare.
Dhinaca kale, Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland, Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa ugu baaqay shacabka in ay ka fogaadaan qalalaase kale oo ka dhaca Boorama iyo guud ahaan gobollada galbeedka, isagoo beelaha deggan deegaannadaas ku boorriyey in ay sii xoojiyaan wada noolaanshaha nabadeed.
Mudaharaadada Borama ka dhacay ayaa billowday kadib markii xukuumadda Somaliland ay oggolaatay in magaalada Saylac lagu qabto munaasibadda lagu muransan yahay ee Xeer Ciise, taas oo markii dambe la hakiyay.
Si kastaba, rabshadaha Boorama ayaa si buuxda u istaagay kadib markii beesha Ciise oo iyadu qabsaneysay bandhiga ay ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah Somaliland iyo beelaha Gadabuursi oo ayagu si adag uga horyimid xuska Xeer Ciise iyo sheegashada degmada Saylac.
Kadib markii Ugaaska guud iyo odayaasha dhaqanka Ciise ay ku dhawaaqeen dagaalka, waxaa isbedeshay goobta noqoneysa aagga dagaal.
Intaas kadib, Ugaaska guud ee beelaha Gadabuursi ayaa isna shaaciyay inuu Ugaaska Ciise ka guddoomay dagaalka uu ku baaqay, taas oo jihada u leexisay dhanka Saylac.
Saylac ayaa haatan noqotay ubucda xiisadda ka dhalatay qabashada xuska xeer Ciise, iyadoo labada beelood ay mid walba dhankeeda sheeganeyso lahaanshaha deegaankaasi.
Beelaha Gadabuursi ayaa u arka dhawaaqa Ciise mid uu ku hunguriyeynayo dhul uusan laheyn, halka Ciise-na u arka in dhulkiisa loo diidan yahay inuu ku qabsado xeerkiisa.
Waxaa haatan abaabul dagaal oo xooggan uu ka socda deegaannada dhaca degmada Saylac, halkaasi oo laga cabsi qabo in labada dhinac uu ku dhexmaro dagaal lagu riiqmo.
Xukuumadda Somaliland oo ayadu ku fashilantay isku haynta beelaha wada dega iyo ka hortagga xiisadda faraha kasii baxaysa ayaa isha lagu hayaa sida ay u maareyso arrimaha taagan.

