29.9 C
Mogadishu
Wednesday, October 22, 2025

Somaliland oo shaaciysay xog yaab leh oo ku saabsan heshiiska saldhiga Berbera

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa shaacisay xog yaab leh oo ku saabsan heshiiska saldhigga Berbera, ayada oo seegtay in Imaaraadka aanay wax lacag ah uga qaadeyn saldhigga Milatari ee ay ka furanayaan magaalada Berbera.

Sacad Cali Shire, wasiirka maaliyadda ee Somaliland ayaa tilmaamay in ay ku bedasheen saldhiggaasi dhismaha waddo iyo sidoo kale garoon diyaaradeed.

Dhanka kale, wasiirka ayaa sheegay in dekadda Berbera ay kiro ka qaadaan shirkadda DP World, sanadkiina la siiyo lacag dhan Shan Milyan oo doolarka Maraykanka ah.

Xisbiga wadani, gaar ahaan xoghayaha xisbigaasi oo isna arrintan ka hadlay wuxuu sheegay iney tahay qiyaano lagu sameeyey Somaliland.

Khadar Xuseen ayaa sheegay in la yaab ay tahay in saldhig Milatari dhan lagu bedasho dhismaha garoon diyaaradeed iyo Hal waddo oo isku xirta Berbera iyo Wajaale.

Halkaan hoose ka dhageyso

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected] 

- Advertisement -

Read more

Local News