Hargeysa (Caasimada Online) – Golaha Wakiilada Somaliland oo maanta kulan aan caadi ahayn ku yeesheen Hargeysa ayaa qaaday tallaabo culus oo ka dhan safarka Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu ku gaaray magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo, iyaga oo soo jeediyay in la joojiyo wada-hadalladii ay kula jireen xukuumadda Muqdisho.
Ugu horreyn golaha ayaa si weyn u cambaareeyay safarka Xamza Cabdi Barre, waxayna kasoo saareen shan qodob oo xasaasi ah, sida lagu caddeeyay go’aanka soo baxay.
Baarlamaanka ayaa kula taliyay xukuumadda inay laasho wada-hadalladii u socday Hrageysa iyo Muqdisho, sababo la xiriira safarka Xamza ee Laascaanood.
“Golaha wakiilada wuxuu xukuumadda usoo jeedinayaa inay gebi ahaanba laasho, isla markaana aanay qayb ka noqon wadahadal dambe oo ay xukuumaddu la yeelato maamulka Somaliland” ayaa lagu yiri qodob kamid a go’aanka Golaha Wakiilada Somaliland.
Golaha ayaa sidoo kale xukuumadda ugu baaqay in ay si deg deg ah ugu diyaargarawdo sugidda iyo ilaalinta xuduudaha qaranka ee ay u xil-saran tahay.
Waxaa kale oo go’aanka lagu sheegay in baarlamaanka uu taageerayo mowqifka ay horay xukuumadda Somaliland ka qaaday safarka ra’iisul wasaare Xamza oo ay sheegtay inuu farogelin ku haya arrimaha gudaha Somaliland iyo madax bannaanideeda.
Sidoo kale golaha ayaa ku baaqay in la qabto shirweyne deg-dega ah oo loo dhan yahay, kaas oo looga hadlayo xaaladda kasoo korortay magaalada Laascaanood.
Somaliland ayaa sidoo kale, shaaca ka qaaday in wixii mas’uuliyad ah ee ka dhasha safarka Xamza ay qaadi doonto dowladda federaalka ee fadhigeedu yahay Muqdisho.
Go’aankan waxaa ka horreeyay isku day kale oo ay sameysay Somaliland, si ay u baajiso safarka Xamza, iyada oo la xiriirtay illaa dowladda Mareykanka, balse waxba kama soo bixin, sida u goor sii horeysay qiray wasiirka arrimaha dibadda Somaliland.
Wasiir Cabdiraxmaan Daahir Aadan oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa xusay in Mareykanka oo ay horay ula wadaadeen safarka ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barrre uu qiyaamay, isla markaana uu uga baxay qorshihii ay isla meel dhigeen.
“Dowladda Maraykanka waa na qiyaantay; safarka Ra’iisul Wasaare Xamza ee Laascaanood waxba iskama beddelin, waxay noo balan-qaaday inay ka joojinayso.” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Somaliland.
Si kastaba, Somaliland ayaa horay u sheegtay in Xamza Cabdi Barre uu ka qoomameyn doono haddii uu cagta saaro Laascaanood,balse ma dhicin waxaana maanta si weyn loogu soo dhaweeyay magaaladaasi oo xarun u ah maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo.



