SOMALILAND oo u digtay wafdigii beesha caalamka

Hargeysa (Caasimada Online) ― Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland, Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa si adag ugu digay Wafdigii Beesha Caalamka ee dhowaan yimid magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland.

Guddoomiye Saleebaan ayaa Wafdigaasi Beesha Caalamka uga digay inay sameeyaan fara-gelin ka dhan ah Guddiga doorashooyinka Somaliland, oo muran badan ka taagan yahay, isla markaana ay Xisbiyada mucaaridku hore uga hor-yimaadeen.

Saleebaan ayaa si cad Beesha Caalamka ugu sheegay in uusan jirin sharci fasaxaya in la kala diro Guddiga cusub doorashooyinka, midaasi oo ay hore u soo jeediyeen Guddigii dhex-dhexaadineysay Mucaaridka iyo Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Muuse Biixi.

Guddoomiyaha Golaha Guurtida ayaa Wafdigaasi Beesha Caalamka ku eedeyay inay isku dayayaan in ay wiiqaan Hay’adaha Dastuuriga ah ee Somaliland, xili ay Beesha caalamku ay wado dadaalo lagu soo afjarayo khilaafka labada dhinac, si ay u qabsoomaan doorashooyinka muddo dhaafay.

Guddoomiye Saleebaan oo u muuqda mid uga jawaabaya fariimihii adkaa ee Beesha caalamka ay ku dalbaneysay in xal laga gaaro khilaafaadka soo noq-noqday ee Doorashooyinka Somaliland iyo dib u dhacyada caadad u noqday, ayaa waxa uu yiri “Somaliland wey isku filan tahay weyna iska bixin kartaa kharashka doorashooyinka ee ay ka bixiso Beesha caalamku”.

Dalalka Beesha Caalamka ee Somaliland ka taageera arrimaha doorashooyinka ayaa muddooyinkii u dambeeyay soo saarayey baaqyo kala duwan iyo fariimo ay ku dalbanayeen in la xaliyo khilaafka Mucaaridka iyo Muuse Biixi, iyagoon ka deyriyay doorashooyinka Somaliland ee muddo dhaafay.