28.5 C
Mogadishu
Wednesday, December 31, 2025

Somaliland oo u yeertay wakiilkeeda dalka Jabuuti + Sababta

Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa maanta si deg-deg ah ugu yeertay wakiilkeeda u fadhiyay dalka Jabuuti, iyada oo fartay inuu dib ugu soo laabto magaalada Hargeysa ee caasimada maamulkaasi.

Warqad kasoo baxday Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in wakiilka loogu yeeray wada-tashi, maadaama ay taagan tahay xiisada culus oo ka dhalatay aqoonsiga ay Israa’iil siisay maamulka Somaliland.

“Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland waxay ku wargelinaysaa in Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland ay dib ugu yeedhatay Wakiilkeedii u joogay Jamhuuriyadda Jabuuti, si uu wadatashi ugu yimaado magaalada Hargeysa” ayaa lagu yiri bayaanka.

Waxaa kale oo lagu sii daray “Arrintan ayaa ka mid ah wadahadallada iyo la-tashiyada diblomaasiyaedeed ee socda, isla markaana waafaqsan hab-raacyada iyo dhaqanka caalamiga ah ee diblomaasiyadda”.

Jabuuti ayaa kamid ah dowladaha dariska ay ee sida uga horyimid go’aanka ay Israa’iil ku aqoonsatay Somaliland, waxayna garab istaagtay Soomaaliya, waxayna iyada oo dhex-joogta Golaha Ammaanka ay si adag u difaacey madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Waxaa kale oo jiray kulan todobaadan ka dhex-maray Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dhiggiisa Ismaaciil Cumar Geelle, kaas oo ay uga wada-hadleen wada-tashiga iyo isku-duwidda dadaallada diblumaasiyadeed ee lagu difaacayo midnimada, madax-bannaanida iyo qaranimada Soomaaliya.

Labada Madaxwene ayaa si wadajir ah u adkeeyay muhiimadda ay leedahay mowqifta dalalka walaalaha iyo saaxiibka ah ee ka soo horjeestay kala qeybinta Soomaaliya.

- Advertisement -

Read more

Local News