26.6 C
Mogadishu
Wednesday, November 12, 2025

Somaliland oo wakiilada beesha caalamka ku dacwaysay DF, kuna eedeysay…

Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) ‐ Xukuumadda Somaliland ayaa kulan degdeg ah la yeelatay wakiillada beesha caalamka ee fadhigoodu yahay Hargeysa, iyada oo u gudbisay mowqifkeeda ka dhanka ah nidaamka dal-ku-galka elektarooniga ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya soo rogtay iyo tallaabooyinka ay kaga jawaabayso.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, oo ay weheliyeen xubno kale oo ka tirsan golaha wasiirrada ayaa kulanka kadib warbaahinta la wadaagay, iyagoo tallaabooyinka Dowladda Federaalka ku tilmaamay kuwa lagu doonayo in lagu wiiqo jiritaanka iyo madax-bannaanida Somaliland.

“Waxaanu beesha caalamka u sheegnay in ujeeddada ka dambeysa ficillada dowladda Muqdisho ay tahay in la dumiyo dimuqraadiyadda iyo nabadda Somaliland,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda.

Wasiir Cabdiraxmaan Daahir ayaa intaas ku daray in Somaliland ay qaadi doonto tallaabo kasta oo ay ku difaacayso madaxbannaanideeda, isagoo sheegay in fariimaha ay u gudbiyeen wakiillada caalamka loo sii diri doono dowladahooda.

Dhankiisa, Wasiirka Madaxtooyada, Khadar Xuseen Cabdi ayaa isna sheegay in xilligan uu jiro muran siyaasadeed oo toos ah oo u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya, isagoo ku baaqay midnimo iyo isku duubni.

“Somaliland laguma dhisin tanaasul, ee dhiig iyo halgan ayaa lagu dhisay. Reer Somaliland maaha dad e-visa uga noqda waxa ay aaminsan yihiin,” ayuu yiri Wasiir Khadar.

Sidoo kale, Wasiirka Duulista iyo Horumarinta Madaarrada, Fu’aad Axmed Nuux, ayaa isna sheegay in in ka badan 90 diyaaradood oo maalin kasta isticmaala hawada Somaliland la gaarsiiyay fariin cad oo ku saabsan shuruucda cusub, isla markaana 40% ay aqbaleen inay raacaan xeerarka Somaliland.

“Laba tallaabo ayaanu qaadnay, saddex tallaabo oo kale ayaa diyaar noo ah, oo aanu mid kastaba markiisa qaadi doono. Arrinta hawada, anagu qaran ahaan waxaannu u aragnaa arrin xasaasi ah oo u baahan in aynu qaran ahaan ka midowno,” ayuu yiri Wasiir Fu’aad.

Waxa uu intaas kusii daray “Kuwa aan oggolaanin waan u sheegnay inay hawadeena ka leexdaan, badankoodna way u hoggaameen.” Waxa uu sheegay in arrinta hawada ay tahay “qadiyad qaran oo u baahan midnimo iyo go’aan adag.”

Somaliland ayaa dhawaan soo saartay amarro cusub oo lagu mamnuucayo in diyaarad aan fasax ka haysan ay isticmaasho hawadeeda, taas oo jawaab u ah nidaamka dal-ku-galka cusub ee ay soo rogtay Soomaaliya, kaas oo Dowladda Federaalka ku sheegtay in uu la xiriro ilaalinta amniga iyo kormeerka dadka galaya iyo ka baxaya dalka.

Tan ayaa caqabad hor leh ku noqonaya shirkadaha diyaaradaha oo ayagu wajahaya awaamiir is-khilaafsan oo uga imanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamullada ay is-hayaan sida Somaliland iyo Puntland.

Si kastaba, qofka wata baasaboorka shisheeye ee ku socda Somaliland iyo Puntland ayaa haatan ku qasbanaanaya inuu bixiyo labo lacagood oo dal-ku-gal ah mid ka e-visa ee Dowladda Federaalka iyo midka garoomada labadaas maamul looga baahan yahay.

Hoos ka daawo muuqaalka

- Advertisement -

Read more

Local News