Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Cabdiraxmaan Aadan Bakaal ayaa mar kale ka hadlay arrimo ku aadan aqoonsiga Somaliland ee Mareykanka, wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyay in dhowaan uu hirgeli doono.
Bakaal ayaa shaaca ka qaada in ay u badan tahay in Maraykanku dhawaaqo aqoonsiga Somaliland, isla markaana uu arko iftiinka ictiraafka, sida uu hadalka u dhigay.
“Socod dheer ayaynu soo galnay, laakiin hadda iftiinkii ictiraafka ayaa inoo muuqda, inyar ayaynu u jirnaa. Waqti yar ayuu qaadanayaa, waan ogahay. Dareenkayguna wuxuu ii sheegayaa oo aan aaminsanahay in uu muddo dhow imanayo,” ayuu yiri Wasiir Bakaal.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in haatan ay socdaan dadaalladii ugu dambeeyay ee ku aadan aqoonsiga, isla markaana ay awoodda saareen in ay qanciyaan xubnaha u arkaan inay dhaqaajin karaan arrintooda, sida xildhibaannada golayaasha oo ay muhiim u arkaan.
Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in Hargeysa iyo Washington ay ka dhexeeyaan dano waawayn, isla markaana ay haatan isla garteen in la mideeyo danaha labada dhinac.
“Danta uu Maraykanku Somaliland ka leeyahay waa mid aan indhaha laga qarsan karin, sidoo kale danta Somaliland Maraykanka ka leedahay waa mid aan indhaha laga qarsan karin. Marka waxaannu fahannay in aanu danahayaga mideyno,” ayuu raaciyay Wasiirku.
Hadalka ayaa kusoo aadayo, iyada oo dhowaan Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Mareykanka uu ka digay in aqoonsiga gobolka gooni-u-goosadka ah ee Somaliland uu jabindoono xeerarka caalamiga ah, isla markaana uu wiiqayo iskaashiga la-dagaallanka argagixisada, xilli koox yar balse cod kar ah oo ka tirsan sharci-dejiyeyaasha Mareykanka ay Aqalka Cad ku cadaadinayaan inuu beddelo siyaasaddiisa.
“Soomaaliya waa dal madax bannaan… xuduudaheedana waa kuwo caalamku aqoonsan yahay, sharciga caalamiga ahna uu dhowrayo,” ayuu Danjire Daahir Xasan Cabdi ku yiri qoraal uu daabacay.
“Hindisayaasha lagu doonayo in lagu kala qaybiyo Soomaaliya waxay halis gelinayaan inay xasilooni darro ka abuuraan, ma aha Soomaaliya oo kaliya, balse qaaradda oo dhan.” Wuxuu ku dooday in tabashooyinka ka jira waqooyiga ay yihiin kuwo siyaasadeed, “laguna xallin karo qaab-dhismeed Soomaali mideysan.”