26.5 C
Mogadishu
Thursday, November 20, 2025

Somaliland oo wareejinaysa garoonka Hargeysa iyo xiisad xooggan oo taagan

Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa dhawaan wareejinaysa garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa, kadib heshiis maalgelin oo ay Somaliland la gashay shirkad lagu magacaabo International Maharat Investment.

Heshiiskan ayay Somaliland sheegtay inuu ku kacayo $70 milyan oo maalgelin ah, kaasi oo lagu sameyn doono garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa.

Shirkaddan ayaa garoonka lagu wareejin doonaa bisha January ee sannadka soo socda, sida uu dhigayo heshiis ay xukuumadda Somaliland shirkaddan kula gaartay magaalada Dubai.

Shirkaddan ayaa loo saxiixay in si buuxda oo madax-bannaan, ayna ku maamuli doonto garoonka qaabkii ay doonto, taas oo saameyn ku yeelan doonta guud ahaan maamulka iyo shaqaalaha garoonka diyaaradaha Cigaal. Heshiiskan ayaa weli si daah-furan loogu soo bandhigin bulshada reer Somaliland.

Xiisad ka taagan wareejinta garoonka

Xisbiyada siyaasadeed ee Somaliland iyo madaxdii hore ee maamulka ayaa si adag uga horyimid qorshaha ay xukuumadda Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ku wareejinayso garoonka Hargeysa, kaasi oo mad-madow badan ku gadaaman yahay.

Xisbiga Kulmiye ayaa sheegay inuu si dhow ula socdo wararka isa soo taraya ee muujinaya in maamulka garoonka Hargeysa lagu wareejinayo shirkad lagu magacaabo International Maharat Investment, kadib marka heshiis ay la gasho Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Maddaaradu.

Xisbiga ayaa walaac ka muujiyay in illaa hadda xukuumaddu aysan xog rasmi ah ka soo saarin heshiiska wareejinta garoonka magaalada Hargeysa.

“Wararka uu Xisbigu helayaa waxa ay tibaaxayaan in 48-kii saacadood ee u dambeeyay la qaaday tallaabooyin wax lagaga beddelayo maamulka iyo shaqaalaha Madaarka, taas oo muujinaysa in ay socoto dhaqangelin heshiis aan la shaacin oo si hoose loo wado,” ayuu Xisbiga Kulmiye ku yiri qoraal uu soo saaray.

Xisbiga ayaa ka digay in heshiis qarsoodi ah lagu wareejiyo madaarka, maadaama illaa hadda aan si rasmi ah loo horgeynin Golaha Wakiillada Somaliland.

“Xisbiga Kulmiye waxa uu u soo jeedinayaa xukuummada in ay ka fiirsato in ay gacmo gaar ah (private) oo weliba shirkado Ajnabiya gacanta loo geliyo madaarka Cigaal ee Hargeysa, maadaama hore loo kireeyay Madaarka caalamiga ah ee Berbera.”

Hoos ka aqriso qoraalka xisbiga oo dhameystiran:

Xisbiga KULMIYE waxa uu si dhow ula socdaa wararka isa soo taraya ee muujinaya in maamulka Maddaarka Hargeysa lagu wareejinayo shirkad lagu magacaabo International Maharat Investment, kadib marka heshiis ay la gasho Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Maddaaradu, iyada oo ilaa imika xukuumaddu waxa xog ah oo rasmi ah aan ka soo saarin.

Wararka uu Xisbigu helayaa waxa ay tibaaxayaan in 48-kii saacadood ee u dambeeyay la qaaday tallaabooyin wax lagaga beddelayo maamulka iyo shaqaalaha Madaarka, taas oo muujinaysa in ay socoto dhaqangelin heshiis aan la shaacin oo si hoose loo wado.

Xisbiga KULMIYE, waxa uu aaminsan yahay in loo baahan yahay maalgashi lagu horumarinayo kaabayaasha dalka, waxase lagama maarmaan ah in heshiisyada xukuumaddu galaysaa aahaadaan kuwo u hoggaansama xeerarka dalka, isla markaana ay faa’iido ugu jirto Qarankan.

Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobkiisa 12 faqraddiisa 5aad waxa ay sheegaysaa in xukuumaddu ku tasarrufi karto hantida iyo khayraadka dalka marka ay xeerarka dalka waafaqsan yihiin.

Sidoo kale, Qodobka 53aad farqaddisa 3aad waxa ay qeexaysa heshiisyada caalamiga ah ee siyaasadeed, maaliyadeed iyo nabadgalyo la hor geeyo Golaha Wakiillada ka hor inta aan la dhaqangelin.

Haddaba, maddaarka Hargeysa oo ah astaanta qarannimo il-dhaqaale oo muhiim u ah ganacsiga iyo goob qiimo gaar u leh dalka, Xisbiga Kulmiye waxa uu u arkaa ilaa hadda sida uu heshiiskani u socdo in la qaaday tallaabooyin aan laga fiirsan, balse keliya aad moodo in muhiidda la siinayo dano xaqul-qalin.

Sidaa darteed, heshiiska kasta oo maalgelineed oo xukuumaddu galayso waxa lagama maarmaan ah:

• In uu waafaqsan yahay qodobada Dastuurka JSL.
• In la horgeeyo Golaha Wakiillada si ay u ansixiyaan.
• In loo soo bandhigo bulshada xog dhammaystiran oo la xidhiidha heshiiska.

Waxa xusid mudan in ay jiraan shaqaale tiradadoodu tahay dhawr boqol oo ka shaqeeya Madaarka Hargeysa oo ilaa imika aan xaaladddoodu aanay caddayn meesha ay ku danbayn doonaan.

Ugu dambayn, Xisbiga KULMIYE waxa uu u soo jeedinayaa xukuummada in ay ka fiirsato in ay gacmo gaar ah (private) oo weliba shirkado Ajinabiya gacanta loo geliyo madaarka Cigaal ee Hargeysa, maadaama hore loo kireeyay Madaarka caalamiga ah ee Berbera.

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News