25 C
Mogadishu
Saturday, January 3, 2026

Somaliland oo xabsiga dhigtay Sheekh Maxamed Weli kadib markii…

Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) – Ciidanka Booliska Somaliland ayaa lagu soo warramayaa inay maanta xabsiga dhigeen Sheekh Maxamed-weli Cabdirashiid oo ka mid ah culimada waaweyn ee deegaanada maamulkaasi, kaas oo Jimcihii shalay si adag kaga horyimid aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland.

Sheekh Maxamed-weli ayaa xilli uu jeedinayay khudbaddii Jimcaha ku sheegay in Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro uu Talaadadii u yeeray isaga iyo culimo kale, uuna la wadaagay heshiiska uu la galay Israa’iil ee soo dadajiyay aqoonsiga, isaga oo tilmaamay in ka culimo ahaan ay u sheegeen in uusan saxiixin heshiiskaas, maadaama uu liddi ku yahay Diinta Islaamka.

“Madaxweynaha ayaa habeenkii Talaadada noo yeeray annagoo ah culimo kala duwan oo waddanka ah oo waa wayn oo kala firqooyin ah anna aan ku jiro aadbuu u mahadsan yahay wuu noo warramay heshiiskii uu galay iyo inta dhiman ee imminka Tel Aviv u tegayo annaguna waan waaninay, waana u nasteexeynay, waana u sheegnay shareecada Alle sida ay tahay xaqii ayaan u caddeynay” ayuu khudbaddiisa ku yiri Sheekh Maxamed-weli Cabdirashiid.

Sidoo kale, wuxuu bulshada Somaliland u sharraxay nuxurka heshiiska labada dhinac ee horay loo qariyay, isaga oo sheegay inuu si cad uga hor imaanayo Diinta.

“Waxaan ku waanineynaa Madaxweynahana aan u sheegeynaa heshiiskaas waxaa ku jira waa inaa ixtiraamto oo aqbasho jiritaanka Israa’iil waa inaa diido Falastiin, waxaa ku leenahay Ilaahey ka cabso oo ha taginoo heshiiskaas ha saxiixin” ayuuu sii raaciyay.

Intaas kadib Ciidanka Somaliland ayaa Sheekha kasoo xiray Masjidka Salaaddii Cishaha kadib, waxaana loo haystaa ka hadalka arrintaasi.

Si kastaba, Somaliland ayaa naqdin wayn kala kulantay heshiiska ay la gashay Israa’iil ee keenay in Israa’iil ay ku dhawaaqday inay aqoonsatay maamulkaasi.

- Advertisement -

Read more

Local News